Balaayada ku habsatay dunida ee aynu ugu wanqalnay magaca Corono-virus waxa ka muuqda mucjisooyin waawayn oo loo baaahan yahay in lagu cimri-qaato.
Wuxuu jilbaha u dhigay wadamadii xoogga is bidayay ee ugu dhaqaalaha badnaa. Dalalkaa laftooda bulshadu ma sinna dhaqaale iyo nolol ahaan. Caadiyan hadduu cudur meel ka dillaaco waxa ku le’da danyarta iyo masaakiinta. Laakiin cudurkani dadka wuxuu ka bilaabayaa dabaqadda u sarraysa ee bulshada. Wuxuu ku dhacayaa wasiirada, Raiisalwasaarayaasha, madaxwaynayaasha, xildhibaanada, dhakhaatiirta iyo maalqabeenada.
Markaa waa mucjiso laba goor ahaaneedba; dalba dalkuu ka miisaan badan yahay iyo dal walba dabaqadaha u sarreeya ayaa laga dhex muujiyey daciifnimada bani-aadamka.
Waxa kale oo cudurkani daaha ka fayday dhaqanka dal walba marka masaiibo ku degto. Waxa soo shaac baxday ummad walba waxa ugu muhiimsan noloshooda. Markii dal walba oodda loo jiiday ee ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii umadda la xidhay, intii weli caafimaad qabtayna laba cabsi ayaa la soo daristay; ta hore oo ah goormuu cudurku ku haleeli iyo cabsida labaad oo ah aarmaad cuntaba waydaa.
Markii dukaamadii iyo maqaaxiyihii iyo wax wal oo ganacsi ah la xidhay, waxa la daayay wixii daruuriga ahaa: 1aad waa dukaamada cuntada (quuti-daruuriga), 2aad waa farmasiyada dawooyinka.
Iyo ka 3aad oo ah ka lagu kala dhaqan duwan yahay (aan daruuri ahayn laakiin dhaqankooda awgeed dadku daruuri u arkayaan). Kan 3aad waa sidan:
– Maraykan waa dukaamada hubka iibiya. Dadku waxay safaf dhaadheer ugu jiraan dukaamada hubka. Dadku waxay wada iibsanayaan baastooladaha, qoryaha baaska iyo kuwa darandoorriga u dhaca, qoryaha culus iyo sanaaduuq rasaas ah. Dadka kuyuuga ku jira markii sababta la waydiiyey waxay ku jawaabayaan in xaaladdu sidan ka sii xumaanayso oo rabshado badan dhici doonaan. Oo dalku fooddo noqonayo oo la is boobi doono oo la is cuni doono… markaa naftayda iyo qoyskayga ayaan hubkan ku difaaci doonaa. Dawladdu waxay u aragtay daruuri in dukaamadaasi furnaadaan.
– Dalka Holland waxa safaf loo galay dukaamada iibiya daroogada, isagoo qof walba ka baqaya in xaraaro xumi qaban doonto hadduu waayo. Markaa ka dib ayay Dawladdu amartay inay dukaamada daroogadu (maandooriyayaasha) furnaadaan. Qofkuse gurigiisa u qaato oo uuna meesha ku isticmaalin. Maadaama Cudurkani mamnuucay kulanka dadka.
– Somaliland iskuuladii, mulcaamadihii, shaqooyinkii dawladda iwm waa la xidhay. Dalka albaabadaa loo jiiday, gees walba xuduudaha waa laga xidhay. Laakiin Qaadkii waa la daayay, caadigiisii ayuu dalka u soo galaya, waxa lagu kulmiyaa meelaha lagu iibiyo iyo majlisyadiiba. Inkastoo Qaadku yahay maandooriye (daroogu ka dhib badan khamriga) oo bulshada Somaliland dhib wayn ku haya xag dhaqaale, xag caafimaad, nolol qoys iyo tu shakhsiyeedba, haddana Dawladdu waxay u aragtaa inuu Qaadku yahay quuti-daruuri aan laga maarmayn.
Dhaqanka qaadku wuu ka xun yahay dhaqannada kale ee mukhaadaaraadka oo waxa Qaadka loo isticmaalaa wadar iyo wada fadhi saacado badan qaata. Habka cudurakan (Corono-virus) u fidaana waa isku soo dhawaanshaha laba qof iyo wada joogga dadka. Waana sababaha meherada iyo iskuulada loo xidhay.
Bal ka warrama majlisyada ama meelaha lagu qayilayo oo iskugu imanayaan dad aan maskaxdoodu fayoobayn (wada mirqaansan) oo albaabada iyo daaqadahana isku xidhaya. Candhuuftoodu is wada gaadhayso oo calyadu ka duulduulayso, illeen iyagoo afku buuxo ayay haddana hadlayaane oo maantoo dhan duryamayaane.
Dadku waa inay Alle u noqdaan oo qof walba shakhsiyan toobad keena. In dhibtan laga bixi iyo in dunidaba sidaa lagu rogayo ma ogin.
Ilaahoo ciidankaaga aanaan iska celin karayn naga dul qaad oo noo naxariiso.
Allah wuxuu yidhi:
( كَذَ ٰلِكَ یُضِلُّ ٱللَّهُ مَن یَشَاۤءُ وَیَهۡدِی مَن یَشَاۤءُۚ وَمَا یَعۡلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَۚ)
(٣١)(المدثر )
Wa Billahi tawfiiq,
- Amir Bidde