|
|||||
WAJAALE NEWS
“Hadii Laga Waayo Wixii Loo Doortay, Macno Badan Samayn Mayso In Madaxwayne Loogu Yeedho”Abwaan Xasan Dhuxul.
January 14, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)- Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul “laabsaalax” oo kamid hal abuurka dhalinyarada ah ee reer Somaliland Ayaa hadlay caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jira iyo masuuliyada loo doorto hogaamiyaha iyo waxyaabaha ay bulshadu ka sugayso in uu uqabto, Sidoo kale Abwaan Xasan Dhuxul Ayaa sheegay In aanay Wax micno ah samaynayn hadii wixii loo doortay uu fulin waayo in la yidhaahdo Madaxwayne, Abwaan Xasan Dhuxul oo Qoraal kooban oo Arimahaasi Uu kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa udhignaa Sidan; “Masuul kasta oo ummad hogaamiya waxa loo doortaa in uu ka shaqeeyo isku haynta dadkiisa, iyo horumarinta dalkiisa islamarkaana wixii caqabado ah ee bulshadiisa haysta uu ka hor qaado kana xaliyo, sharciga iyo qawaaniinta dadkiisa u yaalana uu noqdo qofka kowaad ee ilaaliya. Markaa hadii laga waayo wixii loo doortay macno badan samayn mayso in madaxwayne loogu yeedho iyo in salaan sharafeed ciidamadu u taagaan” Related posts:“Dib Udhaca Doorashooyinka Iyo Muranka Xisbiyadu, Somaliland Waxay Ku Keeneen Xagal-daac Siyaasadeed... Warshada Sharaabka Ee SBI Oo Qaaday Talaabo Lagu Dhiiri Gelinayo Wax Soo Saarka Dalka, Deeq Dhirta S... Daawo:26 Ruux Oo Soomali ah Oo Ku Dhintay Xeebaha Dalka Yemen Ka Dib Madfac Haleelay Doon ay Saarnaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|