|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kulan la Qaatay Ergeyga Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
September 21, 2024 - Written by Editor:Hargeisa-21-09-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka booqasho ku yimi.
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire.
ALLAA MAHAD LEH Related posts:Xukuumada oo Wareejisay Haamihii Kaydka Shidaalka +Shaqalihii Haamaha Kaydka oo Shaqo Joojin Sameeya... Hogaanka Dhaqanka Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday D... Ku Simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland Oo Kormeer Shaqo Kusoo Maray Qaar Kamid Ah Xarumaha Hay’ad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|