|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Doonyo Sharci Darro Kaga Kaluumaysanayay Bada Somaliland.
January 3, 2020 - Written by Editor:SAYLAC(W,N)-Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ee gobolka salal ayaa gacanta kusoo dhigay doono sifo sharci daro ah kaga kaluumaysanayay biyaha badda Somaliland kuwaasi oo ka koobaan shan doonyood oo nooca kaluumaysiga lagana kala leeyahay dalalka jabuuti iyo yemen. Ciidanka ilaalada xeebaha ayaa doonyahan iyo shaqaalihii saarnaa kusoo xidhay saldhiga ciidanka ilaalada xeebaha ee saylac. Taliyaha ciidanka ilaalada ayaa faah faahin ka bixiyay doonyahan ay soo qabteen isagoo digniin udiray wadamada caadaystay in ay bada Somaliland sifo sharcidaro ah kaga kaluumaystaan. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN; https://youtu.be/HrMfApvTMRc Related posts:DAAWO:Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Dayriyay In ay Dalka Doorasho Ka Dhacdo Muxu... Muuse Biixi Oo ku Guulaystay Hor dhaca Qorshihii Uu Ka lahaa khilaafka Xisbiga Ucid Oo Bud Dhig u... Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Technolajiyada Jsl Oo Soo Saartay Amar Lagu Mamnuucayo Taagista Taawarad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|