“Muqdisho Masiibada Ku Habsatay Waan Ka Tacsiyeynayaa,Dhimashada Ku Timid Dadka Shacabka Ah Ee Aan Waxba Galabsan.Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muqdisho Masiibada Ku Habsatay Waan Ka Tacsiyeynayaa,Dhimashada Ku Timid Dadka Shacabka Ah Ee Aan Waxba Galabsan.Abwaan Weedhsame.
December 28, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa tacsi diray boqolaal shacabka oo maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada muqdisho isagoo wax laga  xumaado ku tilmaamay masiibada ku habsatay shacabka reer muqdisho ee aan waxba galab kuwaasi oo qarax la ehel noqday

Abwaan weedhsame ayaa qoraal kooban oo uu dhacdada muqdiso kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxu udhigaa sidan;

GOBEEY LIIC OO HA JABIN;

“Muqdisho Masiibada ku habsatay waan ka tiiraanyeysanahay, waanan ka tacsiyeynayaa dhimashada ku timi dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Ilaahay naxariistiisii janno ha siiyo isagaa qaadiru raxmaanee.

Dhiigyo-cabyada xalaashaday xasuuqa maatada, xilli ay noqotaba waa laga guulaysan doonaa.

Samirkiina Weynuhu

Idin seejin maayoo

Subax ay ahaataba

Idinkaa sarrayniye

Rabbi ha idin saacido.

Abwaan xasan daahir Ismaacii Weedhsame .

COMMENTS
LINKS