|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Haayada Ladagaalanka Tahriibta Ee HOMSO Oo Laga Daahfuray Magaalada Hargaysa .
December 30, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Haayad Cusub Ee Homso ayaa laga daahfuray magaalada hargaysa taasi oo ka shaqayndoonta la dagaalanka tahriibka kulanka daahfurka haayada HOMSOee la dagaalanka Aafada tahriibka oo faro baas ku hayao dhalinyarada reer Somaliland ayaa lagu soo bandhigay mawduucyo tahriibta bulshada lagaga wacyi galindoono. Munaasibada Daahfurka Haayadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay haayadaha qaranka ee ay khusayso ladagaalanka tariibtu sida Ciidanka laanta Socdaalka,Ciidanka Ilaalada Xeebaha,booliska Iyo aqoonyahano kala duwan kuwaasi oo soo dhaweeyay haayada cusub sheegayna in loo baahnaa. Gudoomiyaha haayada HOMSO ayaa ugu horay faah faahin ka bixiyay ujeedada loo Aas Aasay haayada iyo sida ay uga shaqayn doonta ladagaalanka Tahriibta, Sidoo kale waxa madashan hadalo ka jeediyay marwo faadumo siciid, aqoonahan cabdiraxmaan cadami iyo xubno ku hadlayay laamaha kala duwan ee ay khusayso arimaha tahriibtu. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKAW WARKAN; Related posts:"Ujeedada Soomaaliya Waa Sidii Ay Inoo Go'doomin Lahaayeen, Shaqo Kalena Ma Leh, Laakiin Ku Guulaysa... Gudoomiyaha Gudida Diwaangalinta CabdirasaaqCiyaale Ayaa Kala qaybgalay Xaflad Balaadhan oo ay soo... Wasiir Xirsi Oo ka fal celiyay Eedihii Uu kula Dul Dhacay Wasiirkii hore A,Dibada Dr Maxamed Cabdil... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|