DAAWO;-Ehelada Iyo Hooyada Dhashay Wiil Dhalinyarada Ah Ee Lagu Dilay Wajaale Oo Fariin Culus Udiray Xukuumada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Ehelada Iyo Hooyada Dhashay Wiil Dhalinyarada Ah Ee Lagu Dilay Wajaale Oo Fariin Culus Udiray Xukuumada.
December 24, 2019 - Written by Editor:

Tog Wajaale(W,N)-Dhalinyarada,Haweenka Iyo hooyada Dhashay Wiil Dhalinyaro Oo Magaalada Wajaale ay ku dileen Ciidamada Booliska Wajaale Islamarkaana uu maydkiisa cunay Waraabe ayaa fariin culus udiray xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Biixi Oo ay ugu baaqeen in cidii dilkaa foosha xun gaysatay Si deg deg loogu dilo,

Sidoo kale Dhalinyarada iyo Haweenka ku dhaqan magaalada Wajaale ayaa sheegay in aanay waxba ka taray dilkan foosha xun ee dhacay ciidamada booliska wajaale oo la badalaa, balse ay ubaahan yihiin in cadaalada la mariyo cidii dilkan gaysatay.

Hooyada Dhashay Marxuum Caydaruus Maxamed daahir oo 21jir ahaa ayaa si qiiro leh uga hadashay dilka foosha xun ee lagu kacay wiilkeeda iyadoo madaxwaynaha somaliland ka codsatay in talaabo deg deg ah laga qaado Askartii Dilkan Fulisay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS