HARGAYSA(W,N)-Abwaan axmed Aw Yuusuf (Habar yaro) oo kamid suugaan yahanada somaliland ayaa maanso gaaban ku cabiray xaalada wakhtigan ka taagan somaliland iyo cabashada shacabka ka haysata hogaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland oo marwalba ay ku hogoobaan wixii ay ka sugayeen isagoo farta ku fiiqay sida uu bulshada ugaga digay waxyaabaha soo socda iyo ku wax qaadashadooda.
Abwaan Axmed Habayaro ayaa barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ku baahiyay maansadan waxay udhignayd Sidan;
Alaylee Dayowgaa Dadka
Qaarkii Gaadhiyo Dubahaa
Dhakada Jaray Waa Doqon
Abaal keed Imisaan Kadaa
Idhi Hayna Dhaafin Doogee
Imisaan ka digi jiray dabka
Huursanee jara imisaan
Dul iyo hoos ugu dhigay
Dabuubaha doqon baan
Wax garanine .
Afartaa daleeyee docda
Kalana aan dayo madax
Nimo ladoonoon diif iyo
Kulayliyo dibin daabyo loomarin,
Qarka Aayar laga
Daro.horaa loogu daaloo
Dadka nimaan abaal dhigan
Ducadood mahelayee
Ha ku daalin gocashada,
Abwaan Axmed Aw Yuusuf Habaryaro.
Hargaysa Somaliland .