Kulankii ku dhexmaray dalka Jabuuti Maxamed Siyaad Barre iyo Kornayl Mingiste ayaa aakhrikii keenay inay ku heshiiyaan shan qoddob oo adhaxda lagu jebiyo jabhadii SNM. lixda qoddob waxa ay kala ahaayeen:
= Inay labada dal soo ceshadaan xidhiidhkii dublamaasiyadeed
= Inay is weydaarsadaan maxaabiista ay kala qabsadeen dagaalkii 1977/8
= Inay ciidamada isku hor fadhiya xuduuda labada dal dib look ala qaado, mid kasta 15 Km dib xuduudda uga durko
=Iin la joojiyo wixii kharbudaad iyo curyaamin ah, iyada oo labada dhinac joojiyaan taageeridda jabhadaha ay kala taageeraaan ee maamulladooda ku kacsan
= In la joojiyo dacaayadaha labada dhinac hawada isu marinayaan ee mid ba kala ku wado.
Markii heshiishkaasi dhacay ee Siyaad Barre go’aan ku gaadhay inuu qaab dublamaasiyadeed SNM kula dagaalamo, ayaa waxa kale oo soo baxay in heshiiskaasi uu siduu yahay u dhaqan galayo, hasayeeshee may noqon siday doonayeen.
Bixintii Qandaraaska Katiinadaha;
Janaraal Moorgan oo ahaa taliyihii qaybta 26-naad oo isagu si weyn ugu kalsoonaa inuu heshiiskaasi sidiisa u fulaaya oo ciidamadii SNM iyo madaxdoodii kala duwanayd sidooda loogu soo dhiibaayo, ayaa dalbaday in loo diyaariyo qandaraas lagu bixinaayo katiinadihii lagu soo xidh xidhi lahaa ciidamada SNM iyo madaxdooda. Dabadeed waxa magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay qandaraaska cidii xiisaynaysa keenitaanka katiinado aan la sheegi waxa lagu qabanaayo.
Ganacsatadii Muqdisho ayaa loo bandhigay keenista qandaraskaasi, waxaana aakhirkii ku guulaystay nin reer Hargaysa ah, hasayeeshee aan dareensanayn waxa lagu qabanaayo. Ninkani wuxuu sheegay inuu isagu ku guulaystay qandaraaskaasi katiinadaha oo uu ka dalbaday inuu ka keeno dibada. Wuxuu sidoo kale sheegay markii uu tiro badan ka soo dejiyey madaarka magaalada Berbera ayuu dagaalkii gudagalka ee SNM dhacay. Dadkii reer Berbera ayaa markii dagaalladu socdee ku arkay katiinadaha oo daadsan garoonka diyaaradaha Berbera. Waxa kasta oo bini’aadamku qorshaysto waxa ka horraysa ta Alle. Halkaasi ayey ku fashilantay qorshihii bixinta qandaraaska katiinaduhu.
Qorshaha Qofka iyo Ta Alle!
Waxa jirta sheeko caan ka ah dhulka Soomaalidu degto ee geeska afrika, oo ahayd. In Diinku berigii hore aanu lahayn qolofta adag ee xagga sare eebbe kaga abuuray. Dabadeed waxa u tashatay dhammaan xawayaanka kuwa hilib cunka ah, oo yidhi, waa in aynu hal mar hilibkan inna ag-yaalla ee aan xittaa lahayn cago uu ku cararo. Waxa ay bah hilib cunto ku tashadeen in meeshii ay ku arkaanba ay hilibka Diinka kala boobaan. Markii warkaa dhiilada ahi soo gaadhay Diinkii, ayuu afkiisa hadal xigmad leh Ilaahay ka keenay. Oo uu yidhi” waar goobtii intaasi oo habar dugaag iigu tashanaysey, sow Ilaahayba ma joogin?”.
Ka dib waxa la yidhi malaha saacatul ijaaba ayey ahayd markuu Diinku hadlayey, waxa hal mar uu Ilaahay Diinkii hilibkiisii ku daboolay qolof birta ka adag oo aanay habar dugaag kari Karin. Qandaraaskii Katiindaha ee Moorgan wuxuu la mid yahay taasi oo kale. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg buugga Axmed Siillaanyo, Nin tacab badan geliyey qarannimada.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com