WAJAALE NEWS

Ilayn Hooyaday Igama Ilbaxdo! W/Q;Maxamed Baashe,

Miido Seed Maxamed (AHN) waxa ay ahayd hooyo xoolo ku dhaqata jiidda Buurdhaab ee degmada Caynabo qarnigii hore ee 20aad. Ibraahim Ducaale Xirsi oo Gorse loo yaqiin (AHN) oo ahaa inankeedii iyo Xayd Warsame (AHUN) oo ay isna qaraabo ahaayeen ayay xoolo nool (adhi) u dhiibtay si ay uga soo iibiyaan Berbera oo suuqeedu xaammi ahaa.

Sagxadda gaadhi af-dheere ah ayay adhigii ka soo buuxiyeen. Qori-raarka labada dabaq loogu saameeyo gurada gawaadhida si qaadkoodu u waynaado marka xoolaha la saarayo berigaa la ma aqoon.

Gorse iyo Xayd soo tube adhigii sayladda Berbera. Iibiye oo ku hele qiime wanaagsan, lacagtiina loo tiri. Halkii laga filayey in ay Caynabo iyo Miido ku la laabtaan moodkii noolka ka soo baxay, wax kalaa ka salag lehe, la yeh: “Turub ula dhaqaaqe oo istaahil dabada u qabte!”

Dhige oo haddana dhige. Roge haddana roge ilaa mucsur qaawan gacmahoodii laga yeelay. Ceeb iyo caydh madow iyo labadoodii baa is mutay. Maxay Caynabo kula noqdaan? Maxay Miido Seed u sheegi doonaan? Maxay se haamadayga iyo hanfiga Berbera ee wejiga ka fiiqaya ku sii joogi doonaan?

Cadho iyo is-ciil-kaambi, is-hiif iyo haraan ayay marna foodda is-geliyaan oo isku qaadqaadaan feedh iyo harraati, mar kale isku weheshadaan oo ka dul cataabaan calaacalitaan caalwaa’ ah.

Rag talo kama dhammaato.

La ma huraan waa caws jiilaal. Dhawr cisho kolkii xaalkoodu “Bariga Dhexe” ahaa, ayay talo kaga soo ururtay in Berbera laga socdaalo oo Caynabo iyo Miido Seed jaaha la siiyo oo loo babac-dhigaa ay la ma maarmaan tahay. Aan Miido been u sheeno. Been looga qaateen ah. Haye iyo hawraarsan bay guddoonsadeen. Beentiina hal-abuure. Gaadhigii aannu adhiga ku qaadnay ayaa jidka dhexe ku ragaadey oo shaagaggii iyo bir-qalax kale kaga xumaadeen dhagaxii buuraha. Cadan ayaa looga diray birahaas gaadhiga ka xumaaday, adhigii buuraha Sheekh baa la daajinayaa inta gaadhiga la kicinayo ee biraha looga keenayo. Gorse iyo Xayd ba u sheege Miido Seed beentii ay soo dhiseen ee runta ku soo shaqleen, iyana rumaysatay oo uga qaadatay.

Muddo ayay beentii wadeen oo maalin kasta Miido ay ku laahyeen birihii Cadan bay ka soo socdaan, adhigiina buurta Sheekh baa la daajinayaa. Xayd ayaa damiirkiisu siin waayey in Miido beentaas lagu sii wado. Miido ayuu u sheegay sidii wax u dhaceen iyo in lacagtii turub ay ciyaareen lagaga wada helay. Miido halkii wax kale laga filayey, Xayd ayay daalac u raacday. Waxa ay ugu jawaabtay “Eeddo, anigaa kaa ogoo, aabbihii iyo adeerradii toonna weligood turub ma aanay ciyaarin, inankayguna ducuu qabaa oo nin waxaas xun sameeya ma aha ee masabidka iyo hafriinyaha ka daa oo dembiga ila dhaaf!”

Xayd oo yaabban ayaa Gorse u sheegay waxa hooyadii Miido Seed uu kala soo kulmay. Gorse ayaa hooyadii Miido maalin labaaddii u tegay. Waxa uu u sheegay in markabkii birta gaadhiga siday Cadan ka soo baxay oo hadda Berbera u soo shiraacday. Haddii aanay baddu ku kicin oo aanay ku xumaanna bil buu soo socon. Lacag baa loo baahan yahay loo diyaariyo, si adhigii kolkaas Berbera loogu qaado. Amaah iyo wixii ay heli karaysay ayay Miido Seed isugu soo macatabtay oo u keentay inankeedii Gorse Ducaale.

Markii uu beentaas kale Miido lacagtaas kale kaga qaaday ayaa Gorse yidhi “Illayn hooyo kaama ilbaxdo”!. Dorraataan been u sheegay oo ay I rumaysatay, shalaytaan u sheegay oo ay I rumaysatay, maantaan weli waan u sii sheegayaa oo ay I rumaysaysaa, Allow hooyo ha cadaabin.

Wax la yidhi Gorse iyo saaxiibkii Xayd lacagtii bay ku khamaareen oo lacag badan ku heleen. Waxa ay ka tageen turubkii, iyaga oo lacag fiican sita. Waxa ay ku heshiiyeen in lacagtan Miido Seed loo geeyo, loona sheego in ay adhigii ka soo baxday. Sidii bay yeeleen oo iyana ay sidii caadadu ahayd ka rumaysatay.

Ibraahim Ducaale Xirsi (Gorse) maalintaas ayuu ka toobad keenay inuu dib u khamaaro oo turub dambe u ciyaaro, hooyadiina been dambe u sheego. Anigu Gorse waan la kulmay qof ahaan. Aabbahay bay saaxiib ahaayeen, labada ba Alle ha u naxariisto eh. Waxa uu ahaa mu’adddinka masjid jaamaca magaalada Ballidhiig dabayaaqadii 1970-aadkii iyo horraantii 1980-aadkii xilligaas aan la kulmay oo aan halkaas fasaxyada u caano doonan jirey. Nin kaftan badan buu ahaa oo cibaado iyo Alle ka cabsi lagu yaqaan, hiirta waaberi na dadka salaadda ugu yeedhi jirey daakiraaddii, waxanu lahaa cod macaan oo kuu diidaya in aad jiifka iyo hurdada ku sii negaato.

Illayn shacbigeennu kama ilbaxo siyaasigeenna! Hadba waa been sidii hilib yacyacood ah u qaydhiin.

QALINKII; MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN.

Exit mobile version