Dhibaatooyinka maanta aduunka ka jira kuwa ugu waaweyn ee lala tacaalayo loona taag laayahay waxa ka mid ah oo warbaahinta haysta marwalba laba Arimood:
◾-Barakacayaal ama Qaxooti
◾- Argagixiso ama Nidaamyada xagjirka ah.
◾- Haddaba hadii aynu ku horayno qaxootiga iyo barakacayaashu waxa ay isugu jiraan laba nooc oo kala ah;
▪- Dad ay soo barakiciyeen dagaalo, Abaaro iyo masiibooyin.
▪- Dad dalalkoodu dagan yahay oo dhisan yihiin laakiin ay hayso dhaqaale yari, shaqo la’aan oo mustaqbal oo nolol raadinaya.
Haddaba qolada ay barakiciyeen dagaaladu ee aanay masiibooyin kale oo dabiici ahi jirin waxa ay u kala baxaan iyaguna laba qaybood.
¤ Dagaalo dalkaasi gidihiisa la isku dilayo iyada oo la isku haysto kursi iyo awood maamul oo aanay ka maqnayn faragalin iyo siyaasado dibadeed.
¤ Dal dibada lagaga soo duulay iyada oo laga tuurayo maamulka haysta oo loo aanaynayo in uu xoog dadkaa ku haysto oo aanay Xoriyaad dadku haysan iyo fursado ay isku dooran karaan.
Dadkaasi qaxootiyada iyo barakacayaasha ahi dhamaantood waa dad nolol, mustaqbal iyo nabadgalyo raadis ah oo dhibaataysan oo u baahan in la daryeelo dhibaatooyinka soo barakiciyeyna halkooga wax lagaga qabto.
◾- Argagixisada ama Nidaamyada Xagjirka ah.
Qolooyinkani waxa ay u qaybsamaan iyaguna laba qaybood oo kala ah;
1- Dad dhulkoogii iyo dalalkoogii xoog lagaga haysto oo cadho, cadaadis iyo cidhiidhiga lagu hayaa uu ka dhigay in ay noqdaan dad mitidiina oo dagaalyahan ah duniduna cida ay is hayaan kaga qorto argagixiso iyo dad wax u dhimaya xasiloonida iyo nolosha dalkaasi.
2- Dad aaminsan fikrado xagjirnimo ah oo in ay kaligood saxsan yihiin isku yaqaana, intooda badani waxa ay cuqdad iyo cadho ka soo qaadeen wadamada reer galbeedka oo ay ku noolaayeen, waxaana ay aaminsan yihiin cidkasta oo iyaga ka fikir duwani in ay yihiin dad qaldan yihiin waajibna ay tahay in lala dagaalamo oo la laayo.
Dadkani dhamaantood iyaguna waa awood iyo maamul doon waxaana ay u arkaan xalka ay ku heli karayaan in uu yahay xoog iyo dagaal iyo is miidaamin iwm.
Isku soo Wada duub oo mushkiladaha maanta aduunka ka taagani waa qaar dad samee ah oo la abuuray, waana ay ku yar yihiin inta awood ka baxsan ta binu adamka ka dhalatay.
Xaqiiqda marka aan laga waceenayn waxa ay salka ku hayaan dhibaatooyinkani dawladaha maanta dunida ku amar ku taag leeya ee isku yaqaana in rabitaankoogu sharci yahay ee xataa marwalba iska garab mara waxii shuruuc ahaa aduunka dadka ku nooli wada dhigteen.
Muhiimada iyo xalku waxa uu ku jiraa in maanta aan aduunku ka fikirin waxii naf goynayey ee nolol baabiinayey uun ee laga fikiro sidoo loo badbaadin lahaa inta awood binu adam badbaadin karto nafaha iyo noolaha ilaahay abuuray ee macno darro dunida guudkeeda ugu dhimanaya dhamaantood.
Mushkilad na xal looma heli karo ilaa si sax ah loo raadiyo dawadeeda waxa abuuray oo daraasado iyo cilmi baadhisyo dhaadheer lagu sameeyo si ay u noqoto mid soo af go’da oo dhamaata.
Waa Aragtideyda iyo Rayigeyga waanad ka dhiiban kartaa aragtidaada.
QALINKII; Muhamed Dhimbiil