Haweenay Nin Iska Dhigi Jirtay Oo Gaalkacayo Lagu Qabtay Iyo Dhacdooyin Bulshada Ka Fajiciyay Oo Lagu Arkay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweenay Nin Iska Dhigi Jirtay Oo Gaalkacayo Lagu Qabtay Iyo Dhacdooyin Bulshada Ka Fajiciyay Oo Lagu Arkay,
July 7, 2019 - Written by Editor:

Gaalkacayo(W,N) – Booliska Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo bandhigay haweeney sida ragga u labisan oo muddo isku ekeysiinaysay inay rag tahay.

Haweenayda la soo qabtay ayaa sidoo kale sidatay hub, waxaana hoyga ay degganeed kula nooleyd haweenay kale,iyadoo booliska uu sheegay inay xiriir la sameysay dumar badan iyada oo isku muujinaysa inay rag tahay.

Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi Aadan ayaa booliska sidoo kale ay ku qabteen hub ay sidatay.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka ,Mudug Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa sheegay in baaritaano dheer kaddib gabadha oo lagu magacaabo Deeqo Cabdullahi Aadan ,balse dadka isugu sheegi jirtay magaca Deeq la ogaaday inay tahay qof dumar ah balse iska dhigayay Rag.

Mar ay la hadleysay warbaahinta haweenayda ayaa qiratay inay tahay qof dumar ah, hubka ay sidatana ay ku ilaashan jirtay dukaan ganacsi oo ay lahayd, iyada oo aad looga hadal hayo Gaalkacyo haweeneyda oo dadka qaar ay horey ugu heysan jireen inay rag tahay.

 

COMMENTS
LINKS