|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Dhakool oo 38 Maalmood Ka Dib Helay Xoriyadiisa
June 17, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland oo mudo 38 maalmood ah ku xidhnaa xarunta CID-da Somaliland ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay. Xildhibaanka ayuu xadhigiisu la xidhiidhay kadib markii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa uu ku tilmaamay maalinta dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland ee 18-ka May maalin Madow oo beelaha dega Somaliland aany u dhamayn. Qabashada Xildhibaan Dhakool ka dib oo maxkamada gobolka Maroodi-jeex la hor geeyey ay diiday inay dacwadiisa gudo gasho maadaama oo uu huwan yahay xasaanada xildhibaan nimo, waxaana sidoo kale Golaha Baarlamaanka Somaliland uu diiday inuu xasaanada ka qaado xildhibaanka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TwStFsrtb_I Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Raysala Wasaarihii Hore Ee Somaliya Farmaajo Oo Sheegay In Dowladdu Ku Fashilmatay Daryeelka Iyo Bix... Sariiflayaal Loo Xidhxidhay Musuq-maasuq Lala Xidhiidhiyay Masuuliyiinta Banka Berbera iyo Fadeexada... Guriga Ay Degan Tahay Marwadii Madaxweynihii Hore Ee Jsl Marxuum Cigaal Oo La Gubay Iyo Faah Faahint... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|