|
|||||
WAJAALE NEWS
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Magacaabay Taliyaha Guud Ee Ciidamada Milateriga
June 28, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN) – Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay magacaabidda saraakiisha sar sare ee ciidamada milliteriga. Sidaa darteed, Ra”iisal wasaaruhu wuxuu magacaabay Adem Mohammed oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca Qaranka. General Adem ayaa badalay General Seare Mekonnen, oo uu dilay ninka ilaaliyaha ah Sabtidii lasoo dhaafay, June 22, 2019. General Adem wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka iyo Adeegyada Ammaanka (NISS). Sidoo kale, waxaa Taliyaha Guud ee ciidanka loo magacaabay Mola Hailemariam. Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sidoo kale magacaabay Agaasimaha Guud ee NISS, Demelash Gebremichael. https://fanabc.com/english/2019/06/pm-dr-abiy-appoints-three-top-military-officers/
Wajaalenews Desk Addis Ababa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo:Dhalinyaro Dhakhaatiir ah Oo Adeegyo Caafimaad Oo Isugu Jira Shaybaadh Iyo Daawayn Bilaash ah ... DAAWO;-Culimo Uu Horkacayo Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Gabiley. DAAWO; Magaalada Gabiley Oo Laba Qof Ugu Dhinteen Cudurka Jadeecada Iyo Masuuliyiinta gobolka oo Baa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|