WAJAALE NEWS

Dulmigii Hawaddii Somali-wayn Iyo Xornimadda Xabasha Aan Ka Soo Saarney!Qallinkii; Mahad Cali-Salaan.

Dhamaan waxaan salaamaya bulsho weynta Somaliland mid qurbo jooga iyo mid qolqol joogaba,

Waxaan maanta dib ugu noqdey qoraaladdii si aan tariikh leh xasuus tiraanyo iyo murugo ku dheehan tahay aan ula wadaago dhalinta iyo dhamaan ummadda sharafta leh ee Somaliland.

Maanta Somaliland waxaa u Madax-weyne ah Mudane Muse Biixi Cabdi,ummadda Somaliland waa og tahay wuxuu galo iyo wuxu gudo markey noqoto jiritaanka iyo xornimadda Somaliland,si fiican ayayna ogyihiin in uu daacad u yahay gobanimadda Somalilnd mid hore iyo mid danbeba,

Ilaa malintii 1 July 1960 aynu xornimadeena xabaalney ilaa markeynu xabaasha ka soo faqney 18 May 1991 wali nimankii koonfurta Soomaaliya sida maraboobta ayey dhexda inoogu marin yihiin cadowga Somaliland waa Soomaaliya.

Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda.

Gu’yaal iyo gu’yaal badan,gama,a noo diiddey.

Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda.

Guuraa habeennimo hashaan,gebi walbaw jiidhnay.

Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney.

Gaashaan-dhiigeedii hashuu,gawowgu eedaamay

Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey

Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey

Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,noo umay garane

Gare iyo guntane maalintay,gees isugu booddey

Allaa noo gargaaraye markuu,shicib guulaystey

Geerarradeedii hashaan,anigu googgooyey

Galool iyo maraagiyo hashaan,kidiga geylaanshay

Gaajiyo harraad badan hashaan,ugu googgooyey

Goortuu sidkeedii go’aye,galabti fool qaaday

Ayadoo candhada giijisoo,godol fool qaadday

Garaad mid aan lahayn bay la tahay,waad ka gaaggixine.

Annagoo gantaalaha dhaciyo,haysan gori gaaban

Hashaangeedda-weynow libaax uga gabboon weyney

Inaan garaya-cawl ugu tagaa,waa hal soo gudhay.

Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay’

Gobannimo waxay tahay? Se ma ogtahay wuxu yahay

Gumeysigu iyo Gunnimaddu ? Se ma la socota in xoriyaddii aan helney 26 Jun 1960 ay Somali jacayl inaga lumisey oo dib leynoo qabsadey ? Se ma ogtahay sidey ku timid Gobanimadda Somaliland iney ku timid qori caradeed iyo dhiig? Se ma la socota in Gobannimadda maanta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 Mujaahid,una dhawacmeen 130.000 mujaahid,una burbureen Magaalooyinka Somaliland,kuna  khasaareen 60 Bilyan U.S Dollar? Maxaad ka dareensan tahay in Gobannimada aad maanta haysato ay codow iyo nacab badani ku soo maqan yihiin mid gudaha jooga iyo mid dibadaba kaa jooga? Se ma ogtahay kuwii keeney in wali ay qaar ka nool yihiin ooy ilaashanayaan Gobannimada? Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixinayso su’aalaha kor ku xusan,bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey Gobanimadda aad maanta ay haysato . Isticmaar reer Yurub ee Africa qabsadey,gaar ahaan dalaka Somalidu degto,ayaa dalka Somaliland waxaa gacanta u galey Ingriiska 1827 ayuu heshiiskii ugu horreeyey Ingiriisku la galey Somaliland waxaana loo bixiyeySomaliland Protectorate macnaheeduna yahay Somalilndtii la ilaalinayey ama maganta ahayd. Dalalka Soomaalidu leedahay waa shan dal oo kala ah: 1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960. 2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 ` 3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey. 4-Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta. 5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta. Dadka reer Somaliland IYAGA ayaa talo ku gaadheen1960 iney isku darsadaan Soomaaliddii koonfureed,wax khasbayeyna ma jirin ee Soomaali-jecaylli  awgeed uun baa  keentey iyo iney shantii Soomaaliyeed helaan oo isu keenaan. Haddaba waxaa dhacdey Koonfurtii Soomaalia ayey isku darsadeen 1 July 1960. Xornimadoodii,Dowladnimadood,Qarankoodii,Caasimadoodii,Taladoodii,Dakadoodii,Aqoonyankoodii iyo dalkii oo dhanba Xamar bay ku-shubeen. Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney  waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se waxay noqoneysa  ( Fratello=Walaalkii,Fortunato=Nasiibka lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB. Waxa labadii dal loo bixiyey Jamuuriyadda Soomaaliya. Waxaana la doonayey shantii Soomaaliya.

Shan Soomaaliyeed oo wada socdoo, calan ku sheekaysta Shin maa la arkayaa waa su’aal sharad ka yaallaaye???? Intaan wali dakanadii maqnayd,cidi ka soo doogin Dermo intaynaan wada seexanayn, waa daliil run ahe. Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!!  Waxaa dhacayin xasuuq iyo burba loo geysto ummaddii Somaliland markeynu isku darsaney koonfurta Somalia waxa dhacay halgan hor leh. Somalilnd,Waxaa halgankii xoriyadda Somaliland  1981 ilaa 1991 ka qayb qaatey dhamaan burshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura,mid dhawaca qaada.

Gobannida ay Somaliland maanta haysataa si aanay haddana faro dhexdood uga bixin,waain loo duug fiiriyaa,oo marba dib loo ileeyo ama iftiimiyo bogagga madow ee ay ku qoran tahay tariikhdii abaal-xumida iyo gunnimadii laga dhaxley hawadii Soomaali-weynta ahayd iyo qiiradii degdegga ahayd ee 1 July 1960.

Wabilaahitawfiiq.

Mahad Ali-Salaan.

Hargeisa

Mobil 0634050004

mahadpobox@gmail.com

Exit mobile version