“Xukuumadii Axmed Siilaanyo Waxay lahayd Guurti Rag Iyo Gabdho leh Oo Xaajadii Xumaataba Xalkeeda Soo Dhiraan-Dhiriya”Kalshaale.
- Dhegeysiga Cabashooyinka
- Dejinta Xiisadaha.
- Kasbashada Mucaaridka iyo xidhiidhinta ayaamaha lagama maarmaanka ah
- Abaabulka Shacabka.
- Dulqaadka Siyaasiga ah iyo xagtimaha Bulshada kaga imanaya
- Kor u qaadista Ilaha Dhaqaalaha
- Ku dhiirashada wada-xaajoodyada dibada.
- Xeelladaha Siyaasaddeed ee Maamulka Soomaaliya lagula tartamayey.
- Furfurnaanta Siyaasaddeed iyo Maamul ee Xafiisyada muhiimka ah.
- Qaban-qaabada iyo isku-dubaridka Xuska maalinta Qaran #18 #May oo aan rikoodhkay gaadhsiisay cidi kula tartami Karin.
- Ka jawaabista tabashooyinka Bulshada kaga yimaada Dawladda oo aanay dhegaha ka furaysan jirin.
- Waxay lahayd Guurti Rag iyo Gabdho leh oo Xaajadii xumaataba xalkeeda soo dhiraan-dhiriya.
- Wada-shaqaynta iyo kasbashada goleyaasha Baarlamanka oo gaadhay ilaa heer isku-milan u muuqday.
- Diyaarinta istaraatiijiyadaha Siyaasiga ah.
- Xukuumaddani qodob qudha ayey kaga wanaagsan tahay, kaasoo ah Handaraabka Qasnadaha Lacagta, balse lama mahadin faa’idooyin ka dhashay.
Aragti ka fog xag-xagasho Ku dar..
Qalinkii; saleebaan Cabdi Cali (kalshaale)