|
|||||
WAJAALE NEWS
Shir Lagaga Hadlayey Xuquuqda Carruurta oo Lagu Qabtay Hargeysa
May 15, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Shir lagaga hadlayey Xeerka xuquuqda carruurta, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqo Galinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Waxa furitaankii tababarkaas ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo galinta,Arimaha Bulshada iyo Qoyska Maxamed Cilmi Aadan (Ilka case) iyo Ku xigeenka Garyaqaanka Guud Qaranka Xuseen Balel, Xubno ka socday Hay’adaha u xilsaaran xuquuqda carruurta iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Wasaaraddaasi. Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Ku xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Xuseen Balel oo sharraxay muhiimada loo qabtay Tababarkaas iyo waxyaabaha lagu lafo-guri doono muddada uu socdo. Sidoo kalena Ku-Xigeenka garyaqaanka guud wuxuu sheegay in xeerka xuquuqda carruurtu ku salaysan yahay shareecada Islaamka. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka case) Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo Galinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa sheegay in xeerka xuquuqda carruurtu uu in badan ku soo noqnoqanayey isla markaana dib loo bilaabay xeerkaasi.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Prof Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Sobobta Ku kaliftay In Jabhadii Khaatumo Heshiis La Gasho Xukuumada ... Dawladda Ingiriiska Oo Cusboonaysay Digniinta Amni Ee Ay U Dirayso Muwaadiniinteeda Ku Sugan Somalil... Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya Oo Shir Wadatashi Ah La Yeeshay Qaybaha kala Duwan Ee Bu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|