|
|||||
WAJAALE NEWS
Saraakiishii Ururkii SNM oo Ka Waramay Guda-galkii Hargeysa Ee 31 May 1988-kii
May 31, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Maanta oo kale waxa ay ku beegan tahay 31-kii May 1988-kii markii ay cutubyo ka tirsan ururkii SNM ay saqdhexe si miidamo leh u soo galeen gudaha magaalada Hargeysa. Ciidamadii SNM ayaa markii ay gudaha u soo galeen magaalada Hargeysa waxa ay abaareen xeryahii ciidamdii milateriga Soomaaliya ee ku yaalay Hargeysa, iyadoona halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamadii SNM iyo kuwii Milateriga Soomaaliya. Guda-galkii Hargeysa ee mujaahidiintii SNM oo halistiisa lahaa, maaddaama oo aanay isku dhigmayn Xoogaggii mujaahidiintii SNM iyo Ciidammada Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee Xilligaa ku sugnaa Magaalada Hargeysa. Dhinaca kale, Mujaahidiinta Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhego-weyne), Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Cabdiraxmaan Tolwaa), ayaa ka waramay xusuusta Guda-galkii Hargeysa ee Dagaalyahannadii mujaahidiintii SNM, taasi oo ku beegnayd 31 May, 1988-kii.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Muwaadin Cabasho Xoogan Ka Madaxweyne Kuxigeenka iyo Shirkadda SHABA Oo Dhulboob Ku Qaadatey Dhulkii... "Somaliland Qaran U Baahan Hogaaminta Jiil Cusub Oo Dhamaystiran Iyo Hiigsiga Shacabka". Gudoomiye k... Raage Garaad Cabdiqani Garaad Cali Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Loogu Sameeyay Magaalada Hargaysa Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|