|
|||||
WAJAALE NEWS
”Madaxweynaha Kenya Dalkeena Socdaal Wuu ku Iman kara,Sida Madaxwaynaheenu…”Wasiirka Arimaha Dibada Jsl.
May 26, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (W.N)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa sheegay inaanu jirin socdaal uu Madaxweynaha Kenya Uhuyrru Kenyatta ku imanayo Somaliland oo ay xukuumadda Somaliland ogtahay. Toddobaadkan waxa baraha bulshada aad loogu baahiyay qoraal uu bartiis twitterka ku baahiyay Rashiid Cabdi oo ah khabiir degen Kenya oo falanqeeya siyaasadda gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika oo sheegay in Madaxweyne Biixi uu booqan doono Kenya, halka uu Madaxweynaha Kenya isna iman doono Somaliland inta aanu sannadkani dhammaanin. Wasiir arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika arrintan weydiiyay ayaa ku jawaabay “Horta inaga iyo Kenya, xidhiidh fiicna baa hadda inoo dhexeeya, waliba xidhiidhka inoo dhexeeya muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa mid sii kordhaya, oo xidhiidhkii hore ee inoo dhexeeyey ka sii fiicnanaya, waxaana ku rajo weyn nahay in xidhiidh dhinacyo badan leh aynu yeelano, oo aynu iska kaashano waxyaabo badan, Madaxweynaha Kenyana dalkeena wuu iman kara oo socdaal uu ku iman kara, sida uu Madaxweynaheenu uu socdaal ugu tagi karo Kenya iyo Wadamada kaleba, waana ku rajo weynahay in maruun dalkeena uu yimaado Madaxweynaha Kenya iyo Madaxda kale ee Caalamkuba, laakiin socdaal rasmiya oo Madaxweynaha Kenya uu Somaliland ku imanayo oo aanu ognahay ma jiro.” Related posts:Daawo: Laamaha Cadaalada Gobolka Awdal Oo KhalKhal Galay Iyo Afar Garsoore Oo Iyaguna Maanta Is Casi... Ardaydii S/land Ee Jamacadda u Tagay Dalka Ethiopia Oo Loo Diiday inay Galaan Jamacada Dalkaasi Iyo... Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Sobobta Ay Uga Baxeen Gudaha Magaalada Laascan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|