|
|||||
WAJAALE NEWS
Brazil Oo Rigoodhayaal Ugu Gudubtay Wareega 8-da Koobka Aduunka Daawo Sawiro;
June 28, 2014 - Written by Editor:Xulka wadanka Brazil oo ku sigtay in laga reebo koobka aduunka ee ay marti gallinayaan, ayaa rigoodhayaal 3-2 ah kaga adkaaday xulka Chile , sidaasna ugu gudbay wareega 8 da ee koobka aduunka. David Luiz ayaa hogaanka u dhiibay Brazil qaybtii hore ee ciyaarta , shabaqana ku hubsaday goolkii koowaad, kahor intii aanu barbar dhaca u dhalinin Chile, weeraryahanka naadiga Barcelona Alexis Sanchez. Si loo go’aamiyo cida gudbaysana , waxaa loo dhigay rigoodhayaal , taas oo Brazil guushu ku raacday 3-2, waxaana ku guntaday oo 2 goolna qabtay midna Birtu ka celisay goolwadaha qaranka Brazil ee Julio Cesar oo Geesinimo badan muujiyey. Sidaas ayaanay xulka tababare Luis Flip Scolari ku noqdeen , xulkii ugu horeeyey ee u baxa wareega rubuc dhamaadka koobka aduunka ee sanadkan ka socda Brazil. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|