|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis U Fidiyay 517 Maxbuus Oo Ku Xidhnaa Jeelasha Dalka
May 17, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (Wajalenews-News):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Cafis Guud Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad; Markaan Tixgeliyey: In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus. 2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. 3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Related posts:“Arrinka Ugu Weyn Ee La Eegayo Waa Haddii Komishanku Inoo Qabtaan Doorashooyin Bilaa Musuq-Maasuqa!X... DAAWO;-Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka ka Ganacsiga Iyo Tahriibin... Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Furay Shirweyne Lagu Dersayay Qorshe Sannadeedka Wershadaha Somal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|