|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo Heshiis Ka Gaadhay Arimaha Doorashooyinka
April 23, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Labadda xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa ku heshiiyey inay doorashaddu wakhtigeedii dhacdo, isla markaana guddida doorashooyinka ee hada jiraa sii wadaan shaqadoodda diiwaangalinta codbixiyeyaasha. Sidoo kale, waxa lagu heshiiyey in bisha 8aad ee sanadkan la soo magacaabo guddida cusub ee doorashooyinka iyagoo qaab tobabar ula sii shaqayn doonna guddida mudadu ka dhamaanayso dhamaadka bisha November ee sanadkan. Qodobadan lagu heshiiyey waxa ka mid ah:
Komishanka doorashooyinka qaranka ee hada shaqaysanaya ayaa sii waddi doonna hawlaha qaban qaabada doorashooyinka illaa dhamaadka muddo xilleedkooda sida ku cad xeerka doorashooyinka. Sidoo kale, waxa lagu heshiiyey in doorashadda soo socota ka dib wax laga bedeli doono tiradda xubnaha guddida doorashooyinka oo laga dhigi doono sagaal xubnood halka ay imika ka tahay toddoba xubnood, waxaana min xubin dheeraad ah la siin doonna labada xisbi mucaarad. Dhinaca kale, xisbiga WADDANI ayaa isagu ka maqan heshiishkan ay gaadheen labada xisbi UCID iyo KULMIYE, waxaanay dhawr jeer ku kala kaceen kulamo ay yeesheen, taas xisbiga WADANI biyo diiday, waxaanu ku doodaya in la kala diro komishanka hadda shaqaynaya iyo in la kordhiyo xubnaha komishanka doorashooyinka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:DAAWO; Xukuummada Somaliland oo Go’aamo Adag kasoo Saartay Dagaalo Mar kale ka Dhacay Ceel Deegaank... Xukuumada Somaliland Oo Goordhawayd Go,aamo Ka Soo Saartey Sicir Bararka Dalka Ka Jira, Amaro Culus-... Muj Cali Guray Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Xaalada Taariikheed Ee Lixda Goobood Ee Lagu Muransan Yah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|