|
|||||
WAJAALE NEWS
Wakhtiga La Gelayo Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland oo La Shaaciyay
April 23, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa Maanta waxay ku dhawaaqtay wakhtiga la qabanayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Cismaan Jaamac Aadan ayaa ugu horrayn shaaciyey wakhtiga la qabanayo Imtixaannaadkaasi, waxaanu yidhi “15-ka bisha Junne ee sannadkan aynu ku jirno, 2019, ayaa imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada hoose/dhexe ama fasalka 8-aad iyo Fasalka 4-aad ee dugsiyada Sare..”. Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “15-ka bisha August ee soo socota waxa lagu dhawaaqi doonaa Natiijada Imtixaannaadka shahaadiga ah. Sannad-dugsiyeedka cusub wuxuu bilaabmayaa 10-ka bisha August..”.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:Afhayeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Gabiley Iyo Xubno kale Oo La Wariyay In Ay ku Hawlan Yihiin ... Xildhibaan Cabdikariim Maxamed Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Aan La Dhayalsan Jabhada Buurta Gacan Liba... DAAWO:ODAYAASHA,CUQAASHA IYO GANACSATADA TOG-WAJAALE OO JAWAAB ADAG KA BIXIYAY EEDO LOO JEEDIYAY BAD... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|