|
|||||
WAJAALE NEWS
UCID iyo KULMIYE oo Ka Shaqaynaya Ansixinta Xeerka Doorashada Wakiilada
April 28, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa Maanta kulan la yeeshay Shir-Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland. Kulankan oo Saxaafaddu dibedda ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxa faahfaahiyey ujeeddada kulankaasi Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Prof Ebyan, waxaanu sheegay inay shir-guddoonka Baarlamaanka kala hadleen inay ansixiyaan xeerka dib loogu soo dooranayo Golaha Wakiillada ee muddada hor-yaallay. Ebyan oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga oo ah Labada xisbi e UCID iyo KULMIYE ee go’aanka ku gaadhay inay qabsoomidda doorashada ka shaqeeyaan, waxaanu Maanta la kulanay Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka, waxaanuna ka wada-hadalnay xeerka doorashada Baarlamaanka ee Muddada hor-yaallay Baarlamaanka sidii ansixin lahaa, si doorashadu u qabsoonto iyo arrimo kale oo ku saabsan saami-qaybsiga…”. Kulankan waxa Xisbiga Kulmiye ku matalayey Wasiirka arrimaha gudaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbigaasi, halka UCID-na ay matalayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Musharraxii Madaxwene ku-xigeenka, ku-xigeenka Xoghayaha guud iyo xubno kale. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:“Ban-yaalnimada Xogaha Ku Qoran Cuntooyinka Lasoo Warshadeeyay Iyo Gol-daloolooyinka Heer Caalami, H... DAAWO;-Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xaalada Kasoo Cusboonaatay Gobolka Awdal Iyo Arimo Kale Oo Xasaasi... Shil ka dhacay tareenka dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaan Metro ayaa sababey dhimashada dad ka bad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|