|
|||||
WAJAALE NEWS
Turkiga oo Baadhaya Rag Looga Shakisan Yahay Dilka Khaashuqji
April 29, 2019 - Written by Reporter:Istanbul (WJN)– Warbaahinta dalka Turkiga ayaa tebisay in qof kamid ah rag loo xidhay inay basaas ahaayeen horraantii bishan uu isku dilay gudaha xabsiga. Turkiga waxaa uu sheegay inuu Imaaratka Carabta kala shaqeynayo sidii macluumaad looga heli lahaa dadka u dhashay Imaaraatka ee magengelyada siyaasadeed ku joogo Turkiga. Wararka waxay sheegayaan in raggan uu ku socdo baadhitaan ku aadan suurtagalnimada ah inay ku lug lahaayeen dilka weriyihii Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji. Kaashuqji ayaa la dilay sannadkii lasoo dhaafay markii Sucuudiga uu koox u diray Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in ragga dilay weriyaha ay xidhiidh dhaw la lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta. Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:"Xirsiyow Hadii 13-November 2022 Ay Dhici Waydo Doorashada Madaxtooyadu, Ma Jirto Cid Cirka Soo Dumi... “Farmaajo Maxay Tahay Somaalinimada Uu Sheegan Karaa, Marka Khilaafka Jabuuti Iyo Eritrea Xataa Aanu... Murashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI oo Dalka Itoobiya Kaga Qeyb-Galay Xuska Maalinta Qoomiyada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|