|
|||||
WAJAALE NEWS
Prof: Samter oo Xukumada Madaxweyne Biixi iyo Xukumadihii Ka Horeyay Ku Tilmaamay Kuwo Aan Wali Diyarsan Qorshe Ay Dunida Isugu Sharaxaan
April 22, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Prof: Axmed Ismaaciil Samater oo ka mida aqoonyahanada Somaliland oo habeenkii xalay ahayd magaalada Hargeysa kaga qayb galay dood lagaga hadlayay sidii loo sii wadi lahaa wadahadalada Somaliland kala dhexeeya Soomaaliya, ayaa waxa uu wadahadaladii hore ku tilmaamay kuwa aan guul laga gaadhin, isagoona sabab cad uga dhigay in wax qorshe ah aan lagu wajihin wadahadaladaasi hore. Sidoo kale Prof: Axmed Ismaaciil Samater ayaa Xukuumada hada jirta ee u gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadihii ka horeeyay waxa uu ku tilmaamay kuwo aan wali diyaarsan qorshe ay dunida isugu sharaxaan oo ay isugu iib geeyaan si ay dunidu ugu garawdo waxa ay Somaliland doonayso.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:Daawo:Siyaasi Aaden Ruush Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Gabi ahaanba Iskaga Baxay Xisbiga Mucaaradka ah ... "Sida Iiraan iyo Sucuudigu U Kala Duwan Yihiin Ayay Somaliland iyo Soomaaliya U Kala Duwan Yihiin”.M... Aqoonyahanka Gobolka Gabiley Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Usameeyay Masuul Maayar Maxamed-Amiin Umag... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|