WAJAALE NEWS

Ma Madaxweynaha Ayaan Tanaasulayn, Mise Mucaaradka Ayaan Tudhayn? Xirsi Cali Xaaji Xasan.

“Ruqo Ninkii Lahaa Dabada Hayaa Ma Kacdo.”Hogaamiye Xirsi

Ma Madaxweynaha Ayaan Tanaasulayn, Mise Mucaaradka Ayaan Tudhayn? Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Somaliland waxay soo jirtay 28 sanadood. Muddadaasi waxa la qabtay in ka badan saddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay si nabadgelyo ah. doorashooyinkaasi waxay Somaliland u soo jiideen magac iyo maamuus ay dunidu ku tixgeliso inay tahay dal dimiquraadi ah.

Qormadan maanta waxaa igu kelifay; baahida bulshadu u qabto in ay ogaato cida dabada haysa qabsoomida doorashooyinka. sidaasi darteedna waxaan goostay in sida ay iila muuqato aan bulshada la wadaago, si ay taageerayaasha mucaaradka tusmo ugu noqoto, xukuumadana toosin ugu noqoto.

Waa maxay caqabadaha ugu waaweyn ee doorashada hortaagani?

Marka laga hadlayo caqabadaha ugu waaweyn ee hadda la isku hayo, waxa la odhan karaa waa: Saami-qaybsiga gobolada ee kuraasida Baarlamaanka, sababta oo ah waxa jirta cabasho aan weli xal laga gaadhin; qoondaynta kootada Haweenka/Beelaha laga tirada badanyahay oo aan meel la dhigin; Xeerkii doorashooyinka oo qabyo ah; Dhaqaalihii doorashada oo aan weli soo xaroon (Qaybtii Xukuumada iyo Qaadhaan bixiyayaasha) iyo Komishinka Doorashooyinka oo Waddani kalsoonidii kala noqday. Sidoo kale xisbiyada mucaaradku waxay isku raaceen in Komishinka tiradooda la kordhiyo oo (9) sagaal laga dhigo halkii ay Komishinka tiradooda (7) todobada ka ahaayeen .Waxaana si laxaad leh isugu muuqda Kulmiye iyo Waddani.

Waxaa hubaal ah in intaa aan soo sheegay laga heshiin karo hadii aan meesha wax kale ku jirin. Waxa la odhan karaa in Kulmiye oo haysta xubnaha golaha wakiilada inta badan iyo Maayarada gobolada inuu u arko awoodiisa oo la wiiqayo, gaar ahaana marka uu KULMIYE maqlo diidmada Waddani ee Komishinka u fahmo in madmadaw la gelinayso sharcinimada Madaxweynihii la doortay.

Xisbiga Waddani ayaa isaguna u arka in aan Madaxweynuhu tixgelin siin dacwadii ay u gudbiyeen ee ay kaga cabanayeen Komishinka Doorashooyinka, isla markaana Madaxweynaha iyo xisbigiisu ay Komishinkii dhexda u ahaa xisbiyada dhinac ka dhigeen maadaama oo aanay cabashadii marin dariiqeedii oo ahaa in Gudi loo saaro, Gudigaasina ay cabatinka Waddani ama gar ku sheegaan ama gardaro ku sheegaan, xeerka doorashooyinka, qodobka 14 faqradiisa 2aad ayaa odhanaaya “Marka arrimahaa kor ku xusan la dareemo, waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go’aan ugu qaato” balse taa bedelkeeda xukuumada iyo Kulmiye way difaaceen Komishinka oo weliba yidhaahdeen abaalmarin ayaanu siinaynaa, qofka dhexda ah in dhinacyada is haya dhican ka mid ahi u doodo ama difaacaa tuhun ayay abuurtaa, sidaa darteed, Waddani shakigii ayaa ku sii kordhay oo waxay dib isu waydiiyeen sababta Komishinka isu xejinayaan Kulmiye iyo maxay ku ogyihiin, waxaanay Wadani isku qanciyeen inuu jiro qorshe KULMIYE iyo Komishanka ka dhexeeya.

Soomaalidu waxay odhan jirtay “ninka wax xadaa 1 dembi ayuu leeyahay ninka wax laga xadaana 12 dembi ayuu leeyahay” oo looga jeedo tuhunka iyo shakiga ku badan qofka wax tirsanaya. Komishinku waa la eedayay laakiin dembiilayaal ma aha illaa wax ku cadaadaan.

Xisbiga UCID waxay soo jeediyeen in xubnaha (9) sagaal laga dhigo isla markaana Komishinka joogaa shaqada diwaangelinta sii wado, inta aan doorashadu soo gelina hore u baneeyaan xafiiska si Komishinka Cusubi waqti uu shaqada ku barto u helo. Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyay in xubnaha (9) sagaal laga dhigo, caddaaladna loo qaybsado, isla markaana la kala diro Komishinka jooga maadaama oo ay kalsoonidii kala noqdeen.

Waxay mucaaradku ku sababeeyeen in Komishanku hore xafiiska u baneeyaan, maadaama oo Komishinka iminka jooga mudo xileedkoodii uu dhamaanayo 29 Nov, 2019 oo aanay awood sharci u lahayn in ay qabtaan doorashada baarlamaanka, oo ay Guurtidu u mudaysay in ay dhacdo 13 Dec, 2019. Komishin cusubina sharci ahaan aanu doorasho ku qaban karin 13 maalmood ee u dhexeeya mudo xileed-kooda.

Had iyo jeeraale, marka arimaha sharciga la isla fahmi waayo ama laba dhinac la is kala taago ee xaaladu adkaato, waxay Somaliland caado u lahayd in xal siyaasadeed laga gaadho, waxaana had iyo jeer soo dhex geli jiray, xubno sharafeed ka yimaada dhaqanka, hay’adaha madaxa banaan ama beesha caalamka oo sanadkii 2009 ku kala hagoogatay.

Waqti xaadirkani lafteeda dhinacyo badan ayaa isku dayay oo ay ka mid yihiin SONSAF oo ah hay’ad madax banaan, xubno la baxay muwaadiniinta xorta ah, madaxweyne ku xigeenaddii hore, Hay’ada APD iyo beesha caalamka oo intaa culays ku saaraysay dhinacyada in ay ka heshiiyaan khilaafkooda si doorasho dalka uga qabsoonto, waxaana la isugu yimi shirar in ka badan toban jeer oo aan xalna ka soo bixin.

Haddii Madaxweynihii iyo xukuumaddii talada dalka haysay aanay qaadan soo jeedintii UCID, tii Waddani iyo talooyinkii ay soo jiidiyeen waxgaradka iyo dhexdhexaadiyayaashu, isla markaana aanay talo keenin saw noqon mayso ninkii la sheegay inuu awrta xidhiidhsan intuu kii u horeeyay kii ugu danbeeyay dabada ugu xidhay, dabadeedna yidhi “Allaw jid u bixi”.

Sida dhaqanku ahaan jirey hogaanka ugu sareeya Somaliland, wuxuu ixtiraami jiray wadda tashiga iyada oo dastuurku odhanayo“Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo- wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan”dhaqankuna wuxu ahaan jirey sida uu Cali Jaamac Haabiil (AHN) gabayga baroor diiqda ah ku tilmaamay “Nin kastaa markuu gees damco ee giijo madaxiisa, gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadalyaaba, gudoonkii la wada raaci jiray goconayaa mooyi”. Balse malaha hogaanka imiku waa wixii lagu xuman jirey ee ahaa “xaalku waa jiq ku sii, Allaa kariim!

Haddaba waxaan leeyahay weli xal waa la gaadhi karaa, inaga oo ka shidaal qaadanayna xikmadii ahayd “If there is will there is a way” oo macnaheedu tahay, “Hadii doonisi jirto, dariiq waa la helaa”. Xalka waxaan u arkaa in lagu heshiin karo in meel dhexe la isugu yimaado. Gurmadkaa waxaa geli kara sadex qolo midkood haddii ay is kaashadaana waa ka sii wanaagsantahay waxaanay yihiin: –

Guurtida oo sidii ay horeba u yeeli jirtay marka arini cakiranto ama dhinacyada siyaasadu is mariwaayaan ee ay u soo kala dhex geli jireen u soo kala dhex gasha, waa curad ee ugub maaha, tusaale ahaan labadii madaxweyne ee Rayaale iyo Silanyo mid walba waxa dhex martay Mucaaradka is maandhaaf oo la ismari waayay, balse Guurtida ayaa ku guntatay, xataa KULMIYE dhexdiisa way ka garnaqeen ismaandhaafkii u dhaxeeyey labo dhinac oo uu madaxweynihii hore iyo kan maanta jooga oo isku hayay arimaha xisbiga Kulmiye gudihiisa ah.

Qoladda labaadna waa haldoorka bulshada ha noqdeen Abwaano, Aqoonyahano, Culimo iyo cid kasta oo bulshada dhexdeeda magac ku leh sidii mar horeba u dhacday, gaar ahaana dhex-dhexaadintii ay galeen xilligii madaxweyne Rayaale, waxaana ka mid ahaa dadkii waqtigaasi galay Sh Dirir, Abwaanada Hadraawi iyo Gaariye (AUN).

Hadii intaasiba ka gaabiyaan, Beesha Caalamka oo arimaha doorashooyinka tacab badan gelisay waxay ka qaadan karaan door aad u muhiim ah, waanay dhacday sidii aan hore u soo sheegay in ay dhex galeen sannadkii 2009 markii mucaaradka iyo xukuumadii UDUB isku maandhaafeen arimihii doorashada, oo si tan Waddani ee maanta la mid ah Kulmiye ayaa xiligaa soo jeediyay in Komishinkii la kala diro iyada oo ay joogeen sanad iyo dhawr bilood, mudo xileedkoodiina ay ka hadhsantahay sadex sanadood iyo dheeraad. Weliba qoraalka Komishinkaa lagu duray ee lagu eedayay waxaa soo qoray Madaxweyne Muuse oo markaa Gudoomiye ku xigeen ka ahaa Kulmiye, Waxaanay ku dhamaatay qodobadii lixda ahaa ee caanka ahaa ee Beesha Caalamku ku dhexdhexaadisay Mucaaradka iyo Xukuumadii xiligaa, waana xalka midhihiisii maanta lagu joogo. Maantana xal way keeni karaan hadii cid ka furata la waayo.

Waxay ila tahay, Saami-qaybsiga waxa u daawo ah tirokoob inta ka horaysana xal iyo isfaham waa la gaadhi karaa. Kootadana lixda gobol 12 xubnood oo lix haweenku ku tartamaan, lixna dadka laga tiradda badan yahay ku tartamaan ayaa lagu bilaabi karaa oo xal ku meel gaadh ah way u noqon kartaa. Arrinta komishankana xalkeedu waa inay hore u baxaan, sababta oo ah maalintii ay sii joogaanba waa fursad luntay, mudo-xiloodkoodiina waa gebogebo. Balse jiitanka arintani madaxweynaha garasho ha ka ahaato amaba xeelad’e waxa muuqata inay horseed u tahay in mar kale doorashadu dib u dhacdo oo la kordhiyo muddo xileedka Golaha wakiiladda.

Gebagebadii, inkastoo halgankii umadu uu yahay lama taabtaan oo aan wado kale inoo u furayn xiligaa, haddana Illaah baan waxba lala ogayne, waxaan filayaa in dadka reer Somaliland igu waafaqsan yihiin, 1988 maalintii SNM dalka soo gashay ee dagaalka qadhaadh aynu kala hor nimi dawladii Kacaanka ee burbur, naf iyo maalba lihi inaga soo gaadhay, hadii aynu ogaan lahayn in Dawladii meesha ka baxayso 1991, Maxamed Siyaad Barre dhimanayo 1994, sanadahaa kooban uun ka dib, waynu iska sugi lahayn oo wixii dhib ahaa inama gaadheen.

Dadka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa isku duubni, in ay ilaaliyaan nabada iyo wada noolaanshaha, duruufaha iyo maalmaha qalafsan u dulqaata, maalmo badan oo wacan ayaa danbeeya cidii calaf ku yeelata, Qabyaalada iyo naca dhexdeena aan joojino bulshada oo kala qaybsantaa wax wanaaga ma soo sido, waa cududeenii oo kala dhantaalmaysa, inta xilka joogtaa mudo xileed ayay leeyihiin oo waa wax tirsan oo qofna ku waarimaayo xilka, noloshuna guud ahaan waa ayaamo tirsan oo qofna baaqi noqonmaayo. Aan dedaalo sidii inoo roon aan Illaah waydiisano.

Waa Mahadsantihiin. …

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani,

Xirsi Cali X. Xasan…….

 

 

Exit mobile version