Boqortooyadii faca-weynayd Ee (Mongolian Empire), Oo ku taala ama dhacda Badhtamaha Eeshiya (Centeral Asia), Iyo Bariga Eeshiya (East Asia), Sumad ahaana noqonaysa dhulka u dhaxeeya wadamada Ruushka iyo Jaynaha (Russia And China) Ee buuraha (Altia Mountians), Baaxad ahaana cadadkeedu ahaa (1,564,116) Square Kilometres, Ayaa waxa soo martey boqortooyo bilaa dhaxal ah waxanay aheyd intii ka horeysay (Genghis Khan ), Nidaamkan imbaraadooriyada may aheyn balse way ka gadisanayd waxana la odhan jiray (Temujin Monarchy), Qaabkan boqortooyonimo ee ay ku dhawaad qiyaastiisu aheyd Qarnigii 11aad lama kala dhaxlo balse kolba cidii loo garto ayaa la cumaamadi jirey, Markan danbe ayuu ninkani lagu magacaabo (Genghis Khan) ayaa aas-aastey boqortooyadan horteedse magacaa ayaa la odhan jirey aan kor ku soo xusey.
Boqorkii hogaaminayey buq-cadii (Temujin Monarchy), Ka hor intaaney il-bixin dadka ku abtirsada boqortooyadani wuxuun bay ahaayeen (Nomadic People), Dad reer mi,yi ah oo isu dhaqa Xeer-dhaqameedkoodii qoom ahaaneed, Hogaamiyihii ugu horeeyey waxa uu ahaa “Temujin” Ninkani waxa uu ahaa Odey-dhaqameed ama beel-daajiye waxan ay soomaalidu tidhaa, Inta badana waa lagu moransan yahay Sooyaalkiisa qof ahaaneed waayo, Casrigaasi waxa lagu duraa umada halkaa ku dhaqnayd iney ahaayeen Jaahiliin, Waxana khadka ka saarey Boqorkii aas-aasey Boqortooyadan Mongolianka oo ahaa (Genghis Khan) Oo macnaheedu ahayd Boqortooyadii caalamka af-ahaana waa “China”, Ama Universal Kingdom, Markaa qoladan danbe ee mangooliyiinta ayaa aad isu buun-buuniyey taariikhdii hore ee boqortooyadana masaxey waayo yagaa Caalamka saamayn ku yeeshay hamigoodiina in badan ka hir-galiyey aduunka.
Hadaba bacdal-taariikh aan iba-furo sheekadu halkay u soco, Boqortooyadaa temujiyiinta lama kala dhaxli jirin, Dhaxalka dhalashada aabaha iyo inankiisa waxayse u dhignayd qaabkan in qoyska Temujiyiinta hadba hal-doorkiisa lagu wareejiyo, Hadaba markay da,a ahaan tirsatey Boqorkii saddexaad ayaa waxa uu damcay odeygii markaa ka dhintay inuu wiilkiisa ku dar-daarmo uu isagu dhalay, Balse ay jireen ilma-adeeradiisii xayga ahaa in qaarkood kaga haboonaayeen waa sida ay tibaaxday aragtida umadii boqortooyadu u talinaysay iyo waliba qoyskii temuujiyiinta ee (Royal Familyga ahaa), Wiilasha ka mudnaa boqorka aabihii ku dar-daarmey waxay ahaayeen lix wiil, Waxay soo guuxdaba oo ay soo guura-baaleysaba waxa si toosa ula wareegay hogaankii boqortooyada Temujinkii afraad, Oo ay ku dayran tahay caqabado ka duwan kuwii hore u adeeradii iyo waliba aabihii soo wajaheen.
Wiilkii waxa ku adkaatey inuu ka shaqeeyo wiilashii ay ilma-adeerka ahaayeen maxaa wacay Aabihii ayaa marin-habaabiyey oo meeshii dhaxal ka dhigay hadaba si uu u hogaamiyo umadiisii iyo ilma-adeeradiisii ay iskhilaafeen, Ayuu si qoto-dheer u fakirey waxaanu dajistay Siyaasad cusub oo uu ku soo jiidanayo qoyskooda gaar ahaan Ilma-adeeradii waxaanu yidhi dhamaan cidii boqortooyada ku abtirsataa waa wada Boqoro, Marka laga reebo haweenka sidii baanay ku dhaqan-gashey , Hadaba siyaasadan uu ku soo xero-galiyey xubnahan qoyska boqortooyada ayuu ugu magac-darey ( Boqortooyadii Karaamada Iyo Samaynta Qasnada Kaydka Damaca), Qorshahaasi oo u sahlay boqorkii inuu shaqeeyo sababtoo ah nin kasta oo ka mida qoysku wuxuu yahay boqor waxaanu qabaa Ulasho, Naawilaad, Iyo Rajo talisnimo, Inta badana Boqorka hogaanka hayaa wuxuu u yeedhaa marba boqor ay ilma-adeer yihiin ama waxa ay la galaan shirerka madaxda Boqortooyooyinka jaarka, Sidoo kalena waxay weheliyaan raacitaan safarada deegaamada shisheeye ama qoomiyadaha jaarkooda ah, Hadaba talaabooyinkan ayaa fududeysay in ay gacmaha is-qabsadaan dhamaan temujiyiintii.
Dariiq kastaa waxa uu leeyahay meel uu ku geeyo ama uu ku arooro, Hadaba waxaan uga gol leeyahay ama aan u soo qaatey sheekadan ku saabsanayd boqortooyadaa Mangooliyiinta, Nimaadka naawilaada siyaasada iyo rajaynta is-xusidu waxay hada ka socotaa dal ka mid ah dalalka Geeska-afrika, Kaasi oo uu hogaamiyihiisu cusub yahay waxaanu aragti ahaan qaatay talaabadani, Si aaney umada ugu dhaafin Siyaasiyiin wadankaa u dhashay oo in badana saaxada ku soo jirey, Maxaa yeelay horta Siyaasiyiinta afrikaanka badankoodu inta wax caaridaa wax sidaa u sii weyn ma rabaan kaliyaata hankoodu waxa weeyi in hadba hogaanka hanta kursiga ay ag-joogaan ama ay ka ag-muuqdaan waxna la wadaagaan, Sida muuqaalo isu fasiraya inuu la taliyo amaba uu ka qayb-galiyo Aaraahda lagu dhaqo dadka, Hadaba isaga siyaasigan maxaa uga faa,iido ah talaabadan ama maxaa ka soo galaya???, Waxa ka soo galaya inuu qof ahaan wali si caadiya u aamino inuu qof dhamaystiran yahay oo isku buuq iyo isku caajis (Stress And Borring), Ka bad-baadey isla markaana wax rajeeya lana tirsado.
Siyaasadu waxay afrikaanka ku noqotey Cudur ay ku dawakhaan oo ay waayaan dawadiisa, Hadii aad aragto Siyaasiyiin bilaa daawo ah ama aan ujeedo lahayn waxay tabayaan Hogaamiye caadiya, Sida ka mid ah aragtiyaha caalamigee Hogaaminta waxa ku jira qodobadeeda ugu cul-culus qofka aad is-leedahay wuu kugu dhib badan yahay kana mid ah cidaad hagayso , Waa inaad la tashato waliba Teamkaaga dhexdiisa markaa wahab ayaa ka duulaya waxa uu is bidayaa inuu yahay (Role Model), Ka ciyaara bartiisa ku haboon ee uu hawsha ka wado. Hogaaminta ayey astaan u tahay inaad la tashato qofkii caqabad kugu ah waxaanad u muunaysay sidii qof macalin kuu ah markuu hagistaadii darifka kula qabto, Sidoo kale waxa dagaysa qanaacada basharnimo hogaamiyahana waxa u suura-galaya inuu si caafimaad qabta u hago meel kasta oo uu hogaanka u hayo, Waa ajar rasmiya hadaad ruux ku beerto rajo adna hadaad hogaan tahay waad ku amaan helaysaa, Dalka ay waxani ka unkameen waa dal curdina ama jawharad ka soo dhex widh-widhaysa Afrika dhamaanteed, Xal loo helay haggis umadeed.
Qalinka : C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
Diplomatic Analysts
Gabiley/Somaliland.