Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa booqasho dhawr cisho qaadanaysa ugu baxay dalalka Jabbuuti, Itoobiya iyo Kenya. Halkaas oo uu tagay arimo la xidhiidha ia badelada ka socda Geeska. Madaxweynaha oo tan iyo intii la doortay Galbeedka Afrika mooyee aan bariga tagin ayaa muhiimada ugu weyn ee lala xidhiidhinaayo safarkiisa waa dhanka danaha.
*Ganacsiga iyo Marinka muhiimka ah ee gacanka Bab el-Mandeb iyo Saldhiga uu ku leeyahay Jabbuuti.
*Dhulka lagu muransan yahay ee Jabbuuti (Djibouti) iyo Calatariya (Eritrea) kaas oo miiska la soo saarayo marka Addis Ababa lagu kulmo. Iyada oo ay dhanka Calatariyana ku sugan yihiin wafti baarlamaanka Faransiiska ah.
*Saamaynta heshiiska Geeska oo uu igu horeeyo midka dhex maray saddexda dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Calatariya.
*Arimo khuseeya ciidamada Amisom iyo midowga Afrika.
*Booqashada kiniisad aad u facweyn oo ku taala magaalada Lalibela ee Gobolka Axmaarada, Soonaha Wallo ee koonfurta itoobiya, halkaas oo liiska goobaha cibaadada ee taariikhiga u ah Kiristanka meel sare kaga jirta oo in yar u jirta in ay dumto.
Ka dib Kenya ayuu 14 bisha uga sii gudbayaa.
Ganacsiga ama maalgashiga uu wado madaxweynaha Faransiisku, waxa ku weheliya safarka ganacsato waaweyn oo u socda maalgashi.
1- Madaxa shirkada is-gaadhsiinta ee Orange Stéphane Richard, oo danaynaya in ay maalgashadaan is-gaadhsiinta.
2- Madaxa Canal+ group Maxime Saada, oo isna ah dhanka warbaahinta.
3- Madaxweynaha shirkada Meridiam Thierry Déau, oo ah shirkad maalgashi oo ka dhaxaysa 59 qof. Qolyahaasi waxa ay u socdaan Itoobiya.
Dhanka Kenya waxa iyana maalgashiga u socda labada shirkadood ee ugu waaweyn dhanka korontada Faransiiska ee Angie iyo EDf oo ka kala socdaan, Bosska Angie iyo agaasimaha EDF. Inahani waa hor dhac laakiin heshiisyo kale ayaa dhici doona.
Faranskiisku waxa uu ka mid yahay shanta quwadood ee dunida u sandheer. Waa dal siyaasad, dhaqaale iyo aqoon ba ka dhisan. Saamayntiisuna waa kugta oo ma sahlana, Afrikana inta u badan wuu ku xidhan yahay, waanu gumaystay. Imikase waxa ay ishiisu haysaa waa Geeska iyo is badelada ka curtay. Aduunka oo dhamina sidaasay u soo wada eegayaan, qaar baa dirqi isku haya, kuwana waa gacmo-gacmaynayaan.
Hadaba Soomaalidu deeggaankaa ishu hayso waa qoomiyadaha ugu dhulka iyo tirada badane, maxaa uga qorshaysan is badelka socda? Ismaaciil kalidii kuma filna mawjadahan is badel, Farmaajo cid wehelisa oo arimahan la gorfaysa lana daraasaysa maynaan arag. Kalidii ayuun buu sii tudhtudh leeyahay. Muuse isaga Burco iyo Hargeysa dhexsooda ayuu ku dhex dawakhay, Cagjar ma rafasho yara. NFD hadalkeed daa.
Soomaali maxaa u meel yaal?
FG: marka aan leeyahay Soomaali, waxa aan ka hadlayaa guud ahaan Soomaali. Halkee ayay kaga jiraan qoondahan cusub ee Geeska? Waxan la kala goosanayo iyo gacmahan is wada dhaafaya inagu ma markhaati uun baynu ka nahay oo Awrka ayaa la inagu kacsanayaa?
QALINKII; MAXAMED XASAN XASHARO.