|
|||||
WAJAALE NEWS
Shir Qiimayn Dhanka Nabadgalyada Ah oo Ka Furmay Jigjiga
March 23, 2019 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Shir ay isugu yimaadeen laamaha amniga ee degaanada bariga Itoobiya ayaa maanta waxaa uu ka furmay hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan ee magaalada Jigjiga. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaaanka Soomaalida, madaxda laamaha amniga, Canfarta, Oromada iyo Hararida, waxaana shirka guddoominayay saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka iyo sidoo kale Hogaanka Nabadgalyada ee degaanka Soomaalida. Haddaba shirkan ayaa waxyaabihii lagaga hadlay waxaa kamid ahaa sidii loo xoojin lahaa amniga xuduudaha degaanadaas, arrimaha kootarbaanka, iyo sidoo kale sidii la isugu celin lahaa wax yaabihii ay kala qaateen reer miyiga dega xuduudaha degaanadaas. Degaamadan maanta uu shirku uga furmay magaalada Jigjiga ayaa waxaa dhexdooda jiray colaad inta badan ka dhex dhacda goobaha xuduudaha degaanada, waxaana la filayaa in qodobo muhiim ah oo amniga wax lagaga qabanayo uu kasoo baxo shirkan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_Jkah5i-LcY
Wajaalenews Desk Jigjiga Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Ex, Wasiir Baashe Cali Jaamac Oo Ka Hadlay Heshiiska Dekeda Berbera Iyo Wadahadalada Somaliland Iyo ... Daawo: Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha SL iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maanta kormeer ku... “Muuse Biixi, Waa Ninka Maanta Isagoo 7-qof dilay, 110-qof-na dhaawacay, Wali Haddana Uhammuun-Uqaba... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|