WAJAALE NEWS

Madaxweyne Imaaraat Ka Intan Uun Ma Ka Helnaa?W/Q; Cabdifataax Rashiid Maxamed.

Waxa Imaaraatka ku Sugan Madaxweyneheenna Mudane Muuse Biixi oo Martiqaad Rasmi ah ka Helay Madaxda Dalkaas Xukuma. Waxa Xusid mudan in si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Imaaraatka. Sababtuna waxa ay noqonaysaa labada dal oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo; dhawaanna wada galay heshiisyo waawayn oo ay ka mid yihiin dekedda iyo madaarka Berbera; heshiiskaas oo lacag ahaan, wakhti ahaan iyo qaddiyad ahaanba muhiim u ahaa labada dal.

Inkasta oo maalgashi caalami ahi uu yahay waxyaabaha u horseedi kara Somaliland koboc dhaqaale iyo ictiraaf caalami ah, haddana marka aad eegto madmadowga badan ee ku gedaaman heshiiskan; isbeddallada iyo iska-horimaadka madaxda Somaliland ee qodobbada heshiiska; fulin la’aanta iyo bilow la’aanta waxqabad muuqda ee DP World ee dekedda; waxa ay abuurayaan tuhunno iyo shakiyo ku aaddan sida ay heshiisyadaasi dalka horumar ugu soo kordhin karaan. Iyada oo la kala fikir duwanaan karo, haddana aragtidayda waxa aan ka filayay heshiisyadaas Imaaraatka arrimahan hoos ku qoran:

Maadaama oo laba heshiis oo waaweyn aynnu galnay waxa ay ahayd in dalka dhaqaalihiisa iyo miisaaniyadda dawladdaba sare u kac ku yimaaddo, kaas oo si toos ah iyo si dadbanba looga dareemo dakhliga heshiisyadaasi dalka soo galinayaan. Tan iyo intii heshiisyadaas la galay oo dhawr sanno ah ma jirto dhaqaale toos uga soo gala miisaaniyadda iyo korodh dhaqaale oo laga dareemay dalka midnaba.

Heshiisyadaasi waxa ay ahayd in ay ugu yaraan inoo jaraan in Imaaraatk

xafiis diblomaasiyadeed ka furto Hargeysa, xafiiskaas oo inoo fududeeya dalkugalka Imaaraatka oo baasabboorkeenna lagu qaadanayo. Tani waxa ay fududayn lahayd in ganacsatadeenna, ardaydeenna, dadka xanuunsanaya iyo cid kasta oo hawl ka yeelata Imaaraatku ay si fudud u tagi kari lahaayeen. Tusaale ahaan, qof kasta oo baasabboor Jabuutiyaan ah sita dalkugal lagama rabo marka uu galayo Itoobiya, waayo heshiiska ay ku wada jiraan labada dal ee ay Itoobiya dekadda Jabuuti ku isticmaasho ayuu ka mid ahaa.

Heshiisyadani waxa ay innagu kallifeen in aynnu khilaafaadka iyo dagaallada bariga dhexe si toos ah ula safanno Imaaraatka iyo xulafadiisa, marka laga hadalayo dagaalka Yeman iyo khilaafka kala dhexeeya Qadar labadaba. Laakiin taa beddelkeeda ma aynaan helin taageero diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid xulufaysiba. Tusaale ahaan qaddiyaddeenna innagama ay taageerin; dhaqaale toos xulafadu inoo siisay ma jiro; xataa adhigeennii oo dhaqaalaheennu ku xidhnaa Imaaraatku suuqna inoo muu samayn, Sucuudiga inagalamuu hadlin, Suuq kalana inalama doonin. Xataa Xulafadaasi waxa ay inoo jari weyday in Xajka baasabboorkeenna lagu tago.

Dekedda waxa loo ballaadhinayay suuqa Itoobiya oo xataa saami ayaa laga siiyay heshiiska. Laakiin ilaa iminka Itoobiya lagama hayo war cad oo ku aaddan sida ay u kordhinayaan isticmaalkooda dekadda, waxaana ay u muuqataa in aan qorshaheeda mustaqbal ugu jirin in ay si buuxda u isticmaasho dekadda Berbera. Markaa miyaanay noqonayn dekedda Berbera in ay kala soo degto uun wixii saanad ciidan ah ama alaabta dawladdu leedahay ee aan loo baahnayn in la baadho iyo wixii deeqaha caalamka ah? Marka Itoobiya oo aynnu dekadda u ballaadhsanaynay ay Casab, Jabbuuti iyo dekado kale mudnaanta siiso, miyaan arrinkeennu noqonayn quud aan jirin qoryo u guro!

Imaaraatka iyo shirkadihiisu waxa ay ahayd in heshiisyadooda; shaqadooda iyo mawqifkooduba uu mid cad ahaado. Waxa aan rejaynayay in maadaama DP World ay tahay shirkad caalami ah in xisaabtooda iyo shaqadooduba ay ahaadaan qaar daahfuran oo cid kasta oo u baahan ay heli karaan, arkina karaan. Laakiin taasi waxa ay noqotay mid aan muuqan. Tusaale ahaan, waxa ceeb ah in muddo labo sanno iyo dheeraad ah oo ay DP World dekadda gacanta ku haysay laga waayo wax xisaabxidh ah iyo weliba in xukuumaddu si cad u sheegto in lacagtii ay miisaaniyadda ku daraysay DP World la sii amaahday.

Waxa aan filayay Imaaraatku in ay mashaariic horumarineed dalka ka fulin doonaan, waliba sannadaha ugu horreeya ee maalgalintooda – si dadka iyo dalkaba looga aamino. Sidoo kale, waxa aan filayay in Imaaraadku deeqo waxbarasho siin doonaan ardayda dhammaysatay heerarka kala duwan ee waxbarashada iyo in ay shaqaalaha dawladda siiyaan tababarro iyo aqoon-korodhsi ku saabsan dawladnimada iyo maamulkeeda. Waxa aan sidoo kale ka filayay in ay ina siin doonaan taageero la mid ah taakulada aan gabbashada lahayn ee Turkiga iyo Qadar la garabtaagan yihiin walaaladeenna Soomaaliya. Mise tolow innaga Carabkeennuna waa Saalax Baaxuur!

Guntii iyo gebagebadii, waxa aan rejaynayaa in socdaalka madaxweynaha ee Imaaraatku uu qodobbadaas aan soo sheegay wax ka qaban doono, filashada shacabkana ka jawaabi doono. Haddii kale, waxba kama duwanaanayo socdaalladii hore ee lagala iman jiray ‘si meeqaam sare ah ayaa la noo soo dhoweeyay iyo socdaalkayagii is-afgarasho ayuu ku soo dhammaaday’. Horumarka dhabta ahi waa ka ay bulshadu dareento.

Cabdifataax Rashiid Maxamed

Email: crm661@gmail.com

Twitter:@Abdifatah2R

Hargeysa, Somaliland.

 

 

Exit mobile version