WAJAALE NEWS

Furista Distoorku Waxa Uu Iila Muuqdaa Shirqool Iyo Mushkilad Qaranka Lagu Mijo Xaabinayo Hadii La Fuliyo!

“Muuse Biixi Wuxuu u Muuqdaa in Uu fulinaayo Shirqoolkii Qaranka lala Damacsanaa Ee furista Dastuurka, Maadaama Oo Uu Wasaarad u Sameeyey Dastuurka”Maxamed Dhimbiil.

Somaliland waxa ay leedahay dastuur qaran oo lagu ansixiyey afti dadweyne 31-May-2001 oo ay dadweynuhu ugu codeeyeen Haa 97%, oo dalku ku shaqeeyo halkan meelo ka adagna lagaga soo gudbay.

Dastuurka qaranka jamhuuriyadda somaliland waxa dadka qaar u arkayey wakhtigii la sameeyey iyo wakhtigii la ansixiyeyba shaadh ama mashruuc uu leeyahay ama danihiisa ka shaqeynaya madaxweynihii wakhtigaa Alle ha u naxariistee Mohamed Ibrahim Egal.

Hase yeeshee dastuurku waxa uu noqday mid somaliland anfacay oo u horseeday kala dambaynta iyo ku dhaqanka shuruucda iyo waajibaadyada uu dhigayey waxaana aynu kaga badbaadnay wax badan oo dib inoo dhigi lahaa ama aynaan ku kala baxneen, way jirtaa in wali si sax ah xukumad shurucda ugu wada dhaqanta ama u wada fulisa aynaan helin.

Wallow ay jiraan qabyooyin yaryar oo farsamo ahaan iyo dabaqid la’aan ay keentay laakiin intaa qodob ee uu yahay iyo xeerarka ay golaha wakiiladu ka soo saaraan hadii lagu shaqeeyo oo aan dano gaara iyo ku qiyaasid kursi looga faaiideysan ee sideeda loogu dhaqmo waa mid ina wada anfacaya, horena inoo soo anfacay.

Furista Dastuurka

Horta waa marka koowaad e dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka hadlaa xuquuq qof reer Somaliland ah, ee kama hadlo xuquuq beeleed iyo xuquuq gobol iwm.

Dastuurka somaliland ma jirto meel uu xuquuq beel gaar ah ama koox gaar ah ku siiyey, waana mid muwaadiniinta somaliland si siman xuquuqdooda uga hadlaya oo aan gobolaysi iyo kooxaysi iyo dano kale midna ku salaysnayn ee ku salaysan danta caamka ah ee umadda Jamhuuriyada somaliland.

Haddaba isweydiintu waxa ay tahay maxaa loo furayaa dastuurka?

Maxaa ka maqan ee lagu darayaa Dastuurka?

Maxaa ka iman kara furista Dastuurka?

Sidii aynu warbaahinta kala wada soconay waxa ay aheyd mid ka mid ah qodobadii lagula heshiiyey khaatumo oo la yidhi dastuurka waala idiin furayaa !!

Doodii madaxda qaranka somaliland rag badan baa ku dooday in Dastuurka la furo oo uu ka mid ahaa madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada somaliland.

Dastuurka wax ka maqan ama la is odhanayo gobol ama beel buu wax u diidayaa ma jirto kumana jirto, dastuurku waa kii suuragaliyey in Daahir Riyaale madaxweynaha qaranka noqdo oo gobolada ama beelaha somaliland cid uu kursi u xidhay ma jirto ama meel gaara.

Khaatumo iyo dhamaan dadka somaliland aanay ka daadagin ee ay jiraan tabashooyinka iyo saluuga maamulka dawladnimo iyo saamiyada waa muhiim in la miisaamo oo waa walaaladeen inaga maqan oo aynu tabayno kaalintoodiiye loo joojiyo oo la soo dhaweeyo, arinkaasi aniga shaqsi ahaan iilama muuqdo in dastuurku wax u diidayo khaatumo iyo cidkale toona.

Furista Dastuurka waxaa ka iman kara in la isku khilaafo wax ka badelkiisa in hadii wax laga badelo marka aynu eegno duruufaha dalkan ku gedaamaan in la inaga faaiideysto oo tabashooyinka si kale lagu dhameyn lahaa la inoo soo raaco, in siyaasiyiintuba ay dano ay leeyihiin dhex gashadaan iyo in uu inagu furo murano iyo doodo aynu ku carqaladowno iyo in ay wado cusub noqoto oo cidwaliba tidhaahdo ha naloo furo.

Iyada oo dadka reer Somaliland aanay waxba kala lahayn xuquuqaha sharciga iyo dastuurku dhigayo ma jirto sabab beel ama koox ama urur loogu qanciyo waxa la furayaa dastuurka hadaan shirqool jirin iyo in la inaga dhigayo federal ama qorsheyaal qarsoon oo kale jiraan mooyaane.

Gunaanadka qoraalka iyo xukumada cusub

Gunaanadka iyo biyo dhaca qoraalkayga madaxweyne muuse biixi xukuumada uu soo dhisay waxa ku jira wasarada dastuurka, wasarada dastuurka wax maanta dalku uga baahan yahay ma jirto.

Wasaradaha kale ee uu soo dhisay waxa aad moodaa in shaqadoodu isku wada mid tahay, ama aanay kala qeexnayn marka aad eegto, waxaa jira shuruuc ay ku dhisan yihiin hay’adaha iyo wasaradaha dawladu oo shaqadooda kala xadaysa had iyo goorna khilaaf ka yimaado, marwalbana lagu murmo.

Kama muuuqato waayo aragnimadii lagu tuhmayey shaqsiyan iyo u diyaarsanaan madaxweyne ahaan oo waxa aad moodaa in aanay waxba usii qorsheysnayn oo ay ku soo boodo ku noqotay qaabka iyo waxa uu soo saaray marka aad eegto.

Xukuumadiisa waxa ku badan hor marinta laakiin anigu aan u fahmay jaho-wareerinta marka aan arkay nooca ay isugu cayn iyo bayd go’an tahay iyo sida wasaraduhu u yaalaan, laakiin waxba ka sheegi maayo dadka uu soo xushay oo dad badan oo aan aqoon u leeyahayna ku jiraan aad ayeynu isha ugu heyn doonaa, waxa aynu eegi doonaa bal sida ay u shaqeeyaan.

Qoraalkaykan maaha dhaleecayn ee waa digniin iyo toosin, hore ayaanan u sheegay in fursad la siiyo xukumada madaxweyne muuse biixi sanadaha hore waxii toosin ah na la sheego, si ay fursad u helaan lana ogaado mudo sanad ama laba ah halka ay gaadheen.

( Ma Hormarinbaa mise waa jaahwareerin sidani )

Aragtidayda

 

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

Exit mobile version