WAJAALE NEWS

Canshuur Ma Lagu Soo Rogi Karaa Dakhliga Meherrada Masaajidada? W/Q: Cali Coomay.

Qiyaastii shantii sannadood ee ugu dambeeyey waxa magaalooyinka Soomaalilaan ka bilaabmay in meherada loo leexiyo inay ka dhacaan masaajidada, halkii markii hore laga tegi jiray hudheelada faraha badan ee hoolalka casriga ah u dhistay inay ku soo jiitaan dadka is-calmaday ee meherka diyaarka u ah. Dadka is-mehersanaya iyo eheloodu waxa ay jecel yihiin in goobtan barakaysan ee gurigii Ilaahay ah inay isku mehersadaan oo ay qaataan sahayda ducad si guurkoodu uu u naajixo. Hasayeeshee waxa jira arrimo kale oo haddii dhinaca kale laga istaago weji kale u yeelaya meherada masaajidada, taasi oo ah inay masaajidadii isu-beddeleen hoolalkii dadka laga kireyn jiray ee lacagta laga samayn jiray, maadaamoo masaajidadii iyo hoolalkii isku lacag noqdeen. Qormadan waxa aynu ku dul-istaagi doonaa hababka ay u shaqeeyaan meherada ka dhaca masaajidadu.

Lacagta lagu kireeyo Meherada Masaajidada

Masuuliyiinka masaajidadu wakhtiyadii hore wax lacag ah kamay qaadi jirin meherada ka dhaca masaajidada, hasayeeshee markii ay bateen meheradii ayey masuuliyiintii soo rogeen inay lacag ka qaadaan, oo waxa ay arkeen inay fursad lacag samayn ahi ku jirto. Lacagta laga qaadayo way ku kala duwan yihiin masaajidadu. Tusaale ahaan masaajidada ku yaalla meelaha badhtamaha magaalada ama suuqa ayaa ah kuwa ugu lacagta badan, halka kuwa ku yaalla xaafadaha ama meela ka fog faras magaalaha ay jaban yihiin ama aan wax lacag ahba laga qaadin. Masaajidada ku yaalla badhtamaha suuqa iyaga laftoodu waxa ku kala duwan yihiin xaddiga lacagta laga qaado dadka.

Masaajidada qaarkood waxa laga qaadaan $130 meherkiiba, kaarka meherka lagu geliyo waxa shaanbad tii hudheelada oo kale ah lagaga soo dhuftaa masaajidka, waxaana si gaar ah looga qaadaan $15. Masaajidada qaarkooda waxa ay ka jaban yihiin kuwa sare, oo waxa laga qaadaan inta u dhaxaysa $65 illaa $80. Suuqa meherada masaajidada ku yaalla badhtamaha Hargaysa waa kuwa xaami ah, wuxuu mid ka mid ah shaqaalah masaajidadu ii sheegay inay maalintii ugu yaraan ay ka dhacaan laba meher ama ay ka bataan oo illaa saddex ama afar gaadhaan. Waxa iyana jirta in meherada qaarkood habeenkii ay ka dhacaan masaajidada. Markaa haddii aynu xisaab ahaan u soo qaadanno maalintii masaajidka ugu lacagta yar inay ka dhacaan laba meher, bishii waxa ay noqonaysaa: 30 x $160= $4,800 bishii. Sidoo kale haddii aynu soo qaadano kuwa ugu lacagta badan ee bishii laga qaado $130 waxa ay noqonaysaa : 30 x $260 =$7,800 bishii. Haddii aynu eegno sannadkii waxa ay noqonaysaa: $ 7,800 x 12 bilood= $ 93,600. Waa tee meheradda ganacsi ee sannadkii faa’iida lacagtaasi?.

Haddii intaasi laga sii kordhiyo lacagtu way ka badanaysaa. Haddaba halka ay fadhido xisaabtu waa kharaskhaasi ay masuuliyiinta masaajidadu ka qaadayaan meherada, maxaa u diidaya in lagu soo rogo canshuur laga qaado lacagtaa faraha badan ee dadka aan qaadi karayn laga qaadayo?, kol haddii ay hudheeladii shaqadii kala wareegeen. Dhawaan ayaan la kulmay nin danyar ah oo doonaya inuu gabadh uu la soo heshiiyey mehersado, hasayeeshee aan haysan lacag uu ku kiraysto hudheel ama masaajid. Markii dambe ayaanu u tagnay sheekh masuul ka ah mid ka mid ah masaajidada xaafadaha ku yaalla ee aan haysan suuqa kirada. Wuu inoo ogolaaday ka dib markii aanu u waayo sheeganay. Illaa hadda lama hubo in lacagtaasi masaajidka nadaafadiisa, dayactirkiisa iyo shaqaalihiisa waxa uu ka soo gaadho iyo inuu sheekha masuulka ahi uu ku wada shubto.

Waxa aynu ognahay in inta badan masaajidadka loo ururiyo lacag laga qaado dadka ku tukanaya si dayactir loogu sameeyo. Waxa aan xusuustaa sheeko nin wadaad ah oo masaajid khudbad jimce ka jeedinaayey ayaa wax-bixinta iyo sadaqada ku dheeraaday, dabadeed xaaskiisii oo masaajidka ku tukanaysay ayaa is-kala garan weyday, markaasay dahabkeedii sadaqado u bixisay. Markii ay gurigii isugu tageen ayey ku tidhi” sheekh maanta khudbad qiimo badan ayaad jeedisay oo sadaqada iyo wax-bixinta ka hadlaysay, markaasaan is-kala garan waayey, oo aan dahabkaygii oo dhan sadaqo ula baxay. Markaasuu ku yidhi” isku maynaan ogeyn in aad dahabkaaga bixiso, balse dadka in aynu ka gurno ayeynu isku ogeyn”.

Dhacdooyinka Ay Meherradu Sababaan ee Ka dhaca Masaajidada

= Askar albaabka taagan: qofka doonaya inuu masaajidka aroortii iska fadhiisto oo uu qur’aan akhristo ama salaad iyo duco u tagaa, ma geli karo. Askari lagu soo ballamiyey inuu joojiyo cid aan kaarka meherka wadan oo aan yeelayn inaad gasho ayaa albaabka ku dhegan. Qofkii markaa danta ayaa ku kalifaysa inuu gurigii Ilaahay ee cibaadada loo tegayey inuu dib uga noqdo.

= Cayda iyo Buuqa: waxa masaajidka isugu imanaya dad kala duwan, mid tukada mid aan tukan, mid dharkiisa iyo jidhkiisu aan maydhin iyo mid doodba ka qaban inuu salaad tukado (Cilmaani). Dadkaasi intooda badani markay soo galaan masaajidka waxa salaad ah ma tukadaan toos ayey u fadhiistaan goobta loogu talogalay inuu meherku ka dhaco. Way kaftamayaan, way is-dacaayadaynayaan, way qoslayaan, way is-gujinayaan. Way, Way, Way………………. Markay timaado in lacagta gabbaatiga la kala qaato ayey qoloba dhan u baxaysaa.

Tusaale kuwa gabbaatiga la siiyey way ay tagayaan goob gaar ah oo loogu talogalay inay lacagta ku qaybsadaan, kuwaa kale ayaa iyana qaybsanaya wixii dib loogu celiyey ee lacag ahayd. Halkaasi waxa ka dhaca buuq iyo hadal mararka qaarkood cay iyo aflagaado wadata. Meherada qaarkood gacanta ayaa la isku saaraan marka la isku maandhaafo qaabka lacagta loo qaybsanayo. Dadka qaarkood uma dhaadhacsana in meeshu ay tahay gurigii Ilaahay oo ay cayda iyo buuqa ka daayaan, waxa se u muuqato lacagta qayilaada maalintaasi oo iimaankiiba wuu ka maqan yahay.

= Ninkii Xagga sare ka soo dhacay: masaajid laba dabaq ah ayuu meher ka socoday dabaqa sare, markii lacagtii la qaybsanayey ayey fowdo dhacday oo la boobay lacagtii goobta taallay. Nin lacag badan la soo baxsaday oo firxad ahaa ayaa siduu u soo ordayey si kedis ah uga soo dhacay goobta daloosha ee dabaqa sare, waxaanu ku dhul dhacay dad hoosta kitaab ku marsanayey. Nasiib wanaag waxba muuqan aan ka ahayn dawakhaad yar iyo xoodhxoodh.

= Gacan-ka-hadalka: muranka lacagta ayaa keena in gacanta la isku qaado meelaha qaarkood. Waxaanu muranku dhexmaraa dad doonaya inay lacagta inta badan qaataan iyo kuwa doonaya in wax la is-gaadhsiiyo. Gacan-ka-hadalkan waxa kaalin ah kuma laha askartii kaararka dibada ku guraysay, waxaanay iyaga laftoodu ku jiraan kuwa halganka ugu jira inay helaan qaybtooda lacagta lagu murmayo. Waxa aad arkaysa iyada oo la leeyahay, waar kala qabta, waar waa masaajid, waar waa gurigii Ilaahay, waar ha ku dagaalamina, waar wuxu waa adduunyo IWM. Sidoo kale waxa masaajidka soo gelaya dad aan weligood salaad tukan iyo kuwa takhsiisan ama mirqaansan. Dhinaca kale waa laga yaabaa inuu Ilaahay ku soo hadeeyo soo gelitaanka masaajidka. Waxa jiray nin doonayey inuu gabadh ku mehersado masaajid, ninku weligii salaad muu tukan. Markii uu soo galay masaajidkii ayuu anfariiray oo uu fadhiisan waayey, isaga oo naxsan ayaa dirqi lagu fadhiisiyey.

= Nadaafad-darrada: dadku isku wada mid maaha, waxa jira dad nafaadda ka arradan oo aan maydhasho jidh iyo mid hu toodna lahayn, kuwaasi ayaa meheradii ka soo qaybgalaya. Marka masaajidkii laba meher ka dhacaan ee dadkaasina soo galaan ee wakhtigii salaada duhurna ay soo gasho, waxaad ku tukanaysaa uun meel uu mid sharabaado qudhmay ku fadhiistay, markaasaan karaahiyeysanaysaa.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@gmail.com

Exit mobile version