WAJAALE NEWS

Baadhista Hanti-dhawraha Guud Intee In Leeg Baa Lagu Kalsoonaan Karaa?By: Daahir Cabdi Warsame.

La dagaalanka musuqmaasuqu waa arrin u baahan adkaysiiyo, daacadnimo, cadaalad iyo ikhlaas.

Qormadeenan kooban waxa aynu marka hore ku ibo furaynaa hanbalyo ku socoto Hanti-dhawraha Guud in uu ugu yaraan isku day sameeyay, balse waxa aynu isku dayaynaa in aynu meelo dhawr ah oo tuhun ka jiro dul istaagno, si cida loo igmaday wax uga qabato.

Tan iyo intii xukuumada Muuse Biixi talada dalka la wareegtay waxa laga dhur sugayay in badana la is waydiinayay in Hanti-dhawraha Guud uu talaabo qaado, oo la dagaalamo musuqa. Mid baa cadaan ah xafiis kasta oo dawladeed haddii la baadho maanta ma jiro hal xafiis oo ka nabad gali kara musuqmaasuq nooca uu doono ha noqdee, taasi waxa keenay hanaanka guud ee xisaabaadka dalka oo aan ahayn mid daah-furan, isla markaana uu ka buuxo galdalooyin nidaamku leeyahay, marka ay sidaa tahayna waxa marka hore haboon in nidaamka la saxo inta aan baadhis iyo xadhig lagu dhaqaaqin, isla markaana la bayaamiyo nidaamka loo marayo iyo waraaqada looga baahan yahay cid kasta oo lacag dawladeed maamulaysaa in ay hayso, si cadayn ahaan ay u dhigaan.

Iyada oo marka horeba aanay taasi jirin oo xitaa saxeexayaasha xaashida lacag bixintu aanay midaysnayn oo aad arkayso meelo Wasiir saxeexayo xaashida lacag bixinta, halkii ay ahayd in Agaasimaha Guud uu ogolaansho ku siiyo, taasi oo marka horeba qalad ahayd, in ay sidaa ku baxdaana nidaamka baal marsanayd, ayaa hadana waxa jirta in aanay cadayn madax kasta oo miisaaniyadeed marka la isticmaalayo waxa loo baahan yahay in la helo, iyo madax kasta waxa loo isticmaali karo ee saxda ah, taasi oo hanaanka xisaabaadka ka dhigaysa mid mugdi badani ku jiro oo u baahan dib-u-habayn wayn.

Iyada oo ay sidaa tahay ayaa Hanti-dhawraha Guud waxa uu bilaabay baadhis muddo socotay, waxaanu soo saaray natiijooyin hor dhac ah, Wasaarada uu galay Hanti-dhawrku badidooda wax warbixin ah oo in uu danbi dhacay ku saabsan kama soo saarin, marka laga reebo laba Wasaaradood oo kali ah, Wasaaradaha aanu wax war ah ka soo saarin waxa ka mid ah: Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Arrimaha Dibada, wararka xog-ogaalka ahi waxa ay tibaaxayaan in labadan Wasaaradood ba uu uga joogsaday in ay galaafato Wasiir Sacad oo ay isku hayb dhaw yihiin Hanti-dhawraha Guud, sidaa darteedna uu uga gaabsaday wixii uu ku helay, iyada oo labadan Wasaaradood ba ay ka musuqmaasuq badnaayeen kuwa uu danbiga ku oogayo, tusaale ahaan, wararka xog-ogaalka ahi waxa ay sheegayaan in Wasaarada Arrimaha Dibada gabi ahaan ba Madaxa ictiraaf raadinta meesha laga saaray oo la cunay, iyada oo ujeedadiisii laga leexiyay halka Wasaarada Maaliyada ujeedo aan ahayn tii loogu talo-galay lagaga saaray lacag ilaa 10 madax oo ay Wasaaradaasi leedahay laguna cunay lacag malaayiin doolar kor u dhaafaysa.

Xogaha rasmiga ah ee aanu haynaa waxa ay sheegayaan in sababta loo bartilmaadeedsaday Wasaarada Gaashaan-dhigu ay tahay oo kaliya nin ay isku hayb yihiin Hanti-dhawraha oo miinada haystay oo lagala Wareegay qaybta miinada, uu u cawday Hanti-dhawraha Guud iyada oo tiimka baadhay ay waxba ku waayeen Wasaarada isla markaana dadka ay eedeeyeen qaarkood ay dhaariyeen, taas oo baal marsan hanaanka baadhista Dacwadaha khuseeya musuqmaasuqa, iyada oo looga baahnaa oo kaliya in uu cadaymaha uu ku hayo keeno, balse waxa la yaab noqotay in cid uu dhaariyay hanti-dhawruhu oo Kitaab Quraan ah uu ku dhaariyay hadana ku eedeeyo danbi taas oo khilaafsan Diinta iyo sharcigaba. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in tiimka baadhay Wasaarada Gaashaan-dhiga, Hanti-dhawraha iyo ninka u cawdayba ay isku hayb kaliya ka soo jeedaan, taas oo u eeg bartilmaameed.

Xogta aan haynaa waxa ay sheegaysaa in ugu yaraan baadhista Wasaarada Warfaafintu si ka fiican mida Gaashaan-dhiga u qabsoontay, oo ay ka muuqatay xirfad iyo aqooni, iyada oo labada kooxood aad u kala aqoon badnaayeen, una kala daacadsanaayeen, oo tiimka baadhayay Warfaafintu ay ahaayeen koox si fiican u diyaarsan oo aqoon ahaana dhisan, isla markaana daacadnimo iyo ikhlaas shaqadooda ka muuqatay, halka kuwa gaashaan-dhigu aanay garanayn shaqadoodu waxa ay tahayba balse ay u socdeen bartilmaameed in ay helaan.

Dhan ka kale, Hanti-dhawrka Guud waxa laga doonayaa cadaalad iyo in loo sinaado baadhista, Wasaaradaha ugu tunka wayn leh ee musuqu hadheeyay wali lama taaban, sida Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Madaxtooyada iyo ciidamada kala duduwan kuwaas oo isku gayn ahaan lagu lunsado 70% ka mid ah miisaaniyada guud ahaan. Haddii aan loo sinaanayn oo Wasiirada qaarkood noqon doonaan lama taabtaan waa in  laga taxadaraa in cadaalad darro dhacdo oo cidna lagu jiifsado cidna laga meeraysto. Teeda kale Wasaaaradihii uu galay ee Arrimaha Dibada iyo Maaliyada muxuu ka soo saaray, ma waxan aqbali karnaa in Wasaarada Maaliyaduna musuqmaasuq laga waayay? Soomaalidu waxa ay tidhaa god libaax waa wadda laffo, sidaa darteed, meel maaliyad iyo lacagi taalo lagama waayi karo in musuqmaasuq ka dhacay, hanti-dhawraha ayaanu ka sugaynaa in uu ina qanciyo. Su’aalahani oo dhami waxa ay dul yaalaan Hanti-dhawraha Guud haddii kale, waxa ay noqonaysaa in Hanti-dhawruhu isaga laftiisa fari ku godnaato, oo aan lagu kalsoonaan baadhistiisa.

Sidoo kale, maahmaah loo isticmaalo dhinaca cadaalada ayaa tidhaa gacantii wax nadiifinasaa waa in ay iyadu marka hore nadiif noqotaa, Hanti-dhawraha Guud qofka loo magacaabayaa waa inuu noqdaa qof milgo iyo sharaf aan shaki gali karin leh, balse sida la og yahay Hanti-dhawraha Guud oo hore u ahaan jiray Maareeyaha Dakada waxa saaran tuhuno badan oo loo baahan yahay in bulshada si cad loogu bayaamiyo si ama loo aamino ama looga qaado jagada iyo xilka uu hayo. Xogaha khuseeya hanti-dhawraha Guud waxa ay sheegaan in waqtigii uu ahaa Maareeyaha Dekada ee ugu danbaysay ay jiraan lacag si cadaan ah uu u lunsaday oo ka maqan qasnada qaranka, taasi oo keenaysa in marka hore la nadiifiyo gacmaha hanti-dhawraha guud si uu u hanan karo xilka loo magacaabayo oo u baahan qof sharaf iyo karaamo ku suntan oo aanu gali karin tuhun lunsi hanti qaran ahi.

Isku soo wada duub oo Hanti-dhawrka waxa laga sugayaa baadhis ku qotonta cadaymo dhab ah, oo aan kala jeclaysan ama kala xulan danbiilayaasha, lagu helo musuqmaasuqa, isla markaana ka madhan eex, qaraabo kiil iyo qof jeclaysi. Waxana laga doonayaa in uu nidaamka saxo, oo soo jeediyo tallo-bixino ku aadan sida nidaamka loo saxayo halkii uu cid gaar ah ka bartilmaameedsan lahaa mar walba.

QALINKII; Aqoonyahan Daahir Cabdi Warsame

Exit mobile version