Allahayow Faranjigii Muxuu Doqon fariideeyey,
Faa’iido Laawiyo Nin Raga Muxuu fayl ka Wada Yeedhshay!
Taariikhdu Waa Dhigaal Waanna been ma sheegto iyada ayaanna tilmaamnta qofkasta waxa uu gayo iyo waxa uu gudaba,wanaag aadan lahayn ciddi kuma dhaxal siin karto,xumaan aannad falinna hadalkeeda daa!
Dabciga iyo hab dhaqanka dadka aan horumarka kuwa guulaystay ay gaadheen aan jeclayn,badannaa waxay isu dayaan in ay sameeyaan dacaayado raqiis ah iyo burubugaandooyin aan jirin sal iyo raad toonna lahayn. Sidoo kale waxay adeegsadaan shakhsiyaad aan ka fikirin timaadada/mustaqbalka oo noloshooda oo dhan siista waxa saacado kooban ku idlaanaya dheef inay ka helaan daaye magac xumo iyo sumcado daro waxaan ahayn aan u siyaadinayn.
Haddaba maalmahan sidaynu lawada soconay waxaynu baraha bulshadu ku wada xidhiidhno ku arkaynay hebelo ma gudbayaal iyo dhaameel qaatayaal bulshada dhexdeeda kaga astaysan ku Caan ah oo dhaliilo aan jirin usoo jeedinayey Xoghaya Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah nin hawl kar ah shaqadii qaranka sidii loogu talo galay ugasoo baxay shaqo wanaag xaliiban iyo dad isu xidh waxaan ahayn Aan looga baran bulshada Somalilandna ay marag ka tahay shaqo hufnaantiisa iyo dhawrsanaantiisa shaqo.
Wax yaabaha is-weydiinta mudan waxa weeyaan xoghaye madaxwayne oo bulshada oo dhammi ka war qabto ka uu yahay wanaagna ku Astaysan Ninka dhaliilaya,haba dhaliilee dhaliil Aabbeheed goblamay oo aan meelna haysan ku dhaliilayaa, waa maxay u jeedadiisu? Maxaa ka danbeeya?
Haddaba haddaynu dib ugu noqono qoraaladii aan mucda,murtida,ujeeda iyo badheedhaha cad aan lahayn ee baraha bulshada la wareejinayey marka aynu indho caafimad qaba iyo caqli wanaagsan aynu ku eegno waxay u dhignaanaysaa,in ninka waxaasi qoray oo aan wanaag iyo damiir qofeed oo nool u dhalan loogana baranin ay qaar ma gudbayaal siyaadeed ah oo tahli kari waayey inay meel gaadhan ay ka dhex hadlayaan qoraalada iyo dacaayadahan raqiiska ahna ay u soo dhibaan.
Qofka ibnu aadamka ahina haddaannu markiisii horeba ahayn qof han,himilo iyo hiigsi nololeed oo fog toganna(positive thinking) aannu lahayn badanaana dhaameelka ay hadba kuwa danaha gaarka ah ka lihi u daadiyaan ayuu iskasoo qaadanayaa, waxay qor amma sheeg yidhaahdaanna isaga oo aan ka fiirsan ilayn waa kas laawe iyo xeerkiiye uu siday tahay usoo qaato, waxan ceeb iyo aayo-xumo danbe ahayna u siyaadin mayso, kamana dhaxli doonno. Ragga qoraalada hees wal waleedka iyo hebal ceebaynta daaran meelahaasi ku qor qoraa waxay u badan yihiin rag dhammaantood ku fashilmay amma noloshii caadiga ahaydna ka dhacay,waxay u badan yihiin rag ururo bulsho oo samo fal lagu magacaabay intay samayteen,halkii ay bulshada ay ku magac gateen ay ugu shaqayn lahaayeen ka dhigtay Dhiil ay ku dawarsadaan maalin ba halkii shilin yaalo ay la tagaan yihiin. Haddaba iyada oo ay sidaa tahay Soomaaliduna iska wada war hayso kuwaasi ma gudbyaasha ah ee raga hanka leh shaqadii qaranku u igmadyna sidooda u gasoo baxay miyaa la simi karaa,lana ma sayn karaa?
Inkasta oo aanay munaasiba ku ahayn in loo jawaabo balse suugaanta somaliyeed ayaa tidhaahda “Hadii Guga kuu korrdhaa Gabowmooye ku Tarin, Garaad Iyo Waayo Arag, Ogow Ma Gudbaa Tahee”
Qalinkii; Muxiyadiin Xirsi
Hargaysa Somaliland.