|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaflad Lagu Soo Xidhayo Xuskii Magaalooyinka Itoobiya oo Ka Socota Jigjiga (SAWIRRO)
February 21, 2019 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Waxaa maanta la soo gabagabeeyay xuskii toddobaadka magaalooyinka oo muddo 7aad ah ka soconayay caasimadda dawlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga. Sidoo kale Waxaa Caawa hoolka shirarka ee KAALI lagu qabtay xafladdii xidhitaanka xuska toddobaadka magaalooyinka, waxaana kasoo qayb galay madaxda dawladda degaanka u saraysa oo uu u horeeyo Madaxwaynha Dawlad deegaaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madax heer fadaraal ah. Xafladdan ayaa inta ay socoto waxaa abaal gud la guddoonsiin doonaa xubnihii firfircoonida muujiyay intuu xusku socday, waxaa sidoo kale la magacaabi doonaa magaalada martgalin doonta xuska kan xiga.
WAJAALENEWS DESK JIGJIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Xarunta Hayaad Diagnostic Center Oo Daah Furtay Mishiinka Dalka Ku Cusub Kaas Oo Lagu Ogaanayo Xannu... Masuul ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Dhaliilay Shirka Golaha Dhexe Ee Lagu Qabanayo Magaalada Borama ... DAAWO;-Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Jsl Oo Daah Furay Mashruuca Hooyada Iyo Dhalaanka . COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|