|
|||||
WAJAALE NEWS
Hooyo Haysata Sideed Caruur Ah Oo La Toogtay Dhacdo Naxdin Badan
February 3, 2019 - Written by Wariye:Muqdisho(WJN)- Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Federalka Somaliya ayaa maanta Degmada Hawlwadaag ku dilay hooyo haysatay Sideed Carruur. Askarigan ayaa rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay saarnayd haweenayda dhimatay oo la sheegay inay ka timid cisbitaal una socotay gurigeeda. Markii uu askarigan rasaasta ku furay Mootadii ay saarnayd haweenayda kadibna uu dul tagay oo uu arkay haweenayda in rasaasta ay ku dhacday, ayaa waxaa la sheegay in askariga uu ka cararay goobtaasi oo uu baxsaday. Haweenayda geeriyootay ayaa lagu magacaabi jiray Xaawo Shiikhow Faarax, sida ehelkeeda ay Warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen. Ehelada Marxuumada ayaa waxa ay sheegeen in maydka ay geeyeen Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyed ee C.I.D. Ciidamada dowladda ayaa falal tacadi ah ka gaysta Magaalada Muqdisho, mana jirto cid si dhab ah ula xisaabtanta Ciidanka. Related posts:DAAWO;-Wasiir Ku Xigeenka Caafimadka JSL Oo Ka Qayb galay Adeegyo Caafimaad Oo Lacag La,aan Ah Loo ... DAAWO; Suugaanta Nabadaynta Ceel- Afwayn Iyo Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey Oo Maanso Ku Cabiray Dhi... Hogaanka Cusub Ee Dalladda SONYO Oo Xaflad Balaadhan Xilkii Kagala Wareegay Hogaankii Hore Ee Dalad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|