WAJAALE NEWS

Dhibaatada ina haysata waxa aynu ku faraxsanahay sawiro iyo kulan hogaamiye dawlad dhigeen ah!!!

Marka aad jiritaankaaga yasayso ee aad hoos isku dhigayso, Waxa aad ku faraxdaa sawir iyo Madaxwaynihii ayaa la kulmay Madaxwayne ama raisal wasaare kale , waa ayaan daro ka mid ah kuwa ina haysta xaqiiqdii.

Wax weyn ilama aha la kulanka Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland uu la kulmay Raiisal wasaraha dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia waxa ay ka mid tahay uun kawada hadalka danaha iyo maslaxada mandaqada.

Waayo aan sidaa u leeyahay waxa aan aaminsanahay in aynu nahay dal jira oo u qalma in ay cidkasta oo aduunkan masaaliixi iska keen soo gashay in aynu si siman ula kulmi karno oo uu Madaxwaynahaygu danahayga iyo kuwa aduunku wada leeyihiin kala hadli karo dawladaha aduunka dhamaantood.

Ha inaga dhigina in aynu inagu uuni dan ku qabno kulanka raisal wasaare Abey Ahmed iyo dawlada Ethiopia iyaguba dano ayey inagu qabaan iyo waxyaabo badan oo aan loo kala maarmayn in la isku yimaado oo laga wada hadlo.

Maalmihii uu Madaxwayne Biixi la kulmay Madaxwaynaha dawlad deegaanka waan saluugsanaa aniga oo u arkayey in aanu dhigeena ahayn, inkasta oo wax badan oo kale aynu wadaagno xigtona aynu nahay.

Maantana dhigeenii ayuun baynu la kulanay e, waxa aan ku talin lahaa in aynu is aqoonsano in aynu nahay qaran u qalma waxkasta oo uu qaran leeyahay iyo qaab kasta oo dunidu u xidhiidho oo danahooga uga wada hadasho in la inoola hadlo.

Waayo dano iyo masaaliix ayaa la isku wada qabaa inaguna danteena ayeynu u tagnay Addiss ababa iyaguna danahooga ayuun bay inagala hadlayaan bal intaa wax dhaafsiisan oo aynu ku faraxno oo dheeraad ah ii sheega?

Waan ogahay in aan la inaga maarmayn , cidkasta oo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland diidani gardaro ayey inagu diidaysaa, muhiimadu waa in aynaan cidna dabadhilif u noqon ee cidwaliba inta ay inoo jirto uun aynu jirsano.

Guul baan u rajeynayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo qaranka uu hogaaminayo ee jamhuuriyada Somaliland.

 

Muhamed Dhimbiil

Exit mobile version