WAJAALE NEWS

Waxa Aad U Shaqeysaan Umadda, Waxa Aad Gacanta Ku Haysaana Umadda Ayaa leh, Inta Ay Shaqo Qaran Jirtana Dhaliil Iyo Wax-sheegmo Way Jireysaa!!.

Dawladnimada iyo nidaamka kala dambayneed ee dalka ka jira waxa samaystay dadka reer Somaliland oo dhigtay shuruuc iyo nidaamka ay isku maamulayaan iyaga oo aan cidi ka caawin.

Waxa ay dadku samaysteen waxa ay ka yihiin korjooge ilaashada oo damqanaya maalinta ay arkaan dayac tudhaale la’aan iyo wax ka duwan waxii ay rabeen way dhawaaqayaan waxaana ay leeyihiin waxaasi nooma qalmo ma gayno ee halkaa wax halaga qabto, arinkaasi hala joojiyo.

Dadka oo dhami ma hadlaan e inta dareenkooga cabirtaa waxa ay sidaa dareenkii dadweynaha dareenkii dulmanaha dareenkii dan yarta dalka ee u baahan in loo hadlo oo dhawaaqoogu gaadho cida ay geela u dirteen ee u eegaysa.

Waxa u hadlaya oo dareenka dadka sida abwaanada , saxafiyiinta, qalinleyda, culimada iyo dadka aragtidooda cabira waana fariin ku socota qofkasta oo masuuliyad umadeed sida inta ay doonto ha leekaato e.

Hadii lagu duro oo lagu dhaliilo ama shaqadaada la dhaliilo , dee geel aad leedahay laguguma soo doonan ee waxii aynu wada lahayn ayaa lagu leeyahay waad dayacday waxbaad ka xumaysay sidii ay ahayd ugamaad soo bixin.

Bal Waxa aad Isweydiisaa Hadii Aad gurigaaga ama Gurigiina iska joogto oo aanad masuuliyad umadeed haynin ma cid baa ku dhaliili lahayd ama wax kaa sheegi lahayd? jawaabtu waa maya

Haddaba hala soo daayo dadka muwaadiniinta ah ee fikirkooga iyo kii dadweynaha u xidhan, oo shuruud la’aan ha lagu soo daayo, hadii ay ku dhibayso hadalku muhiimadu waa shaqadaada hagaaji eed iyo hadal midna kuu iman maayo e.

Fariintani waxa ay ku socotaa qofkasta oo masuuliyad umadeed iyo wax dadku wada leeyihiin gacanta ku haya, waxa ay ku socotaa dadka ay umadu masuuliyada u igmatay iyo cidii ay u sii igmadeen , waxa ay idin leedahay dareenka dadweynaha ixtiraama , xuquuqda muwaadiniinta ixtiraama , hadii aad qalad tirsataan dulqaadkeeda lahaada Bilahi caleyk.

#XORIYADOODA_HALOO_CELIYO_MUWAADINIINTA_ARAGTIDOODA_U_XIDHAN

QALINKII;Muhamed Dhimbiil

 

Exit mobile version