|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxay Ka Wada Hadleen Abiy Ahmed iyo Donald Tusk?
January 24, 2019 - Written by Reporter:Brussels (WJN)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa magaalada Brussels ee dalka Biljam kula kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mr. Donald Tusk oo ay wada falanqeeyeen xidhiidhkooda. Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo Donald Tusk waxay wadahadalkooda diirada ku saareen sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga Itoobiya iyo Midowga Yurub. Midowga Yurub ayaa sheegay inay la dhacsan yihiin isbeddelka hoggaamineed ee ka dhacay Waddanka Itoobiya iyo dedaalka ay dawladda Addis-ababa ugu jirto hoos u dhigida saboolnimada iyo juhdiga la geliyey horumarinta maamul wannaagga iyo dhaqaalaha iyo dimuqraadiyada Itoobiya. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inuu madaxda midowga Yurub uga warramay in caqabadaha haysta ay ka mid yihiin cunto yaraanta iyo tirada sii kordhaysa ee mujtamaca Itoobiya.
WAJAALENEWS DESK HARGEYSA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Shirkadda Telesom Oo Koob Kubbadda Cagta ah u qabatay Shaqaala Waynaha Shirkaddaha Telesom Group. Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Cadaalada Darrada Kula Kacay Wiilkaa Shaqada Ku Guuleystay,Mala... Halkan Ka Daawo Ninkii Fududeeyey Weerarkii Habeen Hore Lagu Qaaday Villa Somaliya Oo Ka Waramaya ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|