WAJAALE NEWS

Malaha Waynaan Dareemine Inaguna Waynu Xorownay!!

Markii Dalka Ethiopia uu ka dhacay isbadelada siyaasadeed ayaa waxa isbadeshay siyaasadii Geeska Africa oo dhan iyo qaabkii loo wada macaamili jiray, waxa kale oo xornimo helay ismaamulka somalida Ethiopia iyo kuwa oromada oo aad moodaysay in cagta uu ku hayey maamulkii hore ee Ethiopia.

Somaliland waxa ay saaxiib dhow la tahay 28ka sanadood ee ay jirtayba dalka ay jaarka yihiin ee Ethiopia oo ay xidhiidho iyo dano badan oo nabadgalyo ganacsi ahi ka dhaxeeyo walow uu dhinac ka raran yahay.

Haddaba inta aan garanayoba Somaliland madaxdeedu waxa ay ka laba noqon jireen caasimada dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo lagu tartami jiray sida loogu kala dhawaanayo.

Waxa dhici jirtay oo aynu hadalhaynteeda maqli jirnay Ethiopia ayaa madaxda qaar diiday oo ku tilmaantay urur diimeed iyo waxyaabo noocaas ah run iyo been waxa ay doonto ha ahaato e, waxaaba wakhtiyada qaar la hadal hayey in la inoo yeedhiyo dadka la inoo xulayo ee la magacaabayo.

Somaliland oo kaliyaba maahee somalida kalena cidwalba gaarkeeda ayey ula macaamili jireen waxii khilaaf soo dhex galana waxa lagu xalin jiray Addiss ababa oo looga yeedhi jiray madaxda dhamaantood.

Ethiopia waxa ay ciyaaraysay siyaasad oo cidwalba oo u tagta waxa ay soo taaban jireen dhabarka somali oo dhamina waxa ay u shaqeynaysay Ethiopia oo halkaasi Addiss ababa ayaa looga wada talin jiray, waxaana lagu tartamayey xidhiidhkeeda iyo u dhawaanshaha madaxdeeda maadaama ay tahay dalka ugu awooda badan uguna da’da weyn Geeska Africa.

Haddaba waxa aan wax isweydiiyey uun markii doorashadii Madaxweynaha Somaliland maalmo ka hadhsanaayeen ayaa Madaxwayne Siilaanyo diyaarad khaas ah loo soo diray oo uu tagey Addiss ababa, hadana sadexdii murashax ee axsaabta siyaasada Somaliland ayaa midiba maalin looga yeedhay Addiss ababa.

Maalintaasi ayaa waxa ii cadaatay meesha la inooga taliyo in ay tahay Ethiopia , dabadeedna waxa aan isweydiiyey haddana in Ethiopia ay Somaliland isaga sii wanaagsanaayeen somalida kale, shaw iyagana sidan oo kale ayuun bay ahaayeen.

Malaha maynaan dareemine maanta ayeynu xorownay oo aynu u wada macaamili karnaa sidii laba dal oo Somaliland iyo Ethiopia ah oo aynu la gorgortami karaynaa, maadaama dhigeenii Somalia ay gaar ula macaamilayaan iyadana.

Aduunyadu waa wax isdhaafsi waxaaga iyo qiimaha aad mandaqada ku leedahay ee dawladnimo, nabadgalyo horumar, dimuqaradiyad iyo ganacsi wax ku doon oo cidii aan inoo baahnayn inaguna uma baahnin dalkeenana waa in aan la inagu dul maamulin aduunyadu shuruuc iyo qawaaniin la isku ixtiraamo oo lagu wada shaqeeyo ayey leedahay min dalka ugu wayn ilaa ka ugu yar.

Aragtidayda gaarka ah

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

Exit mobile version