WAJAALE NEWS

Koox Ingiriis ah oo garoonkeeda qeyb ka siisay dad darbi-jiif ah

Iyadoo la saadaalinayo in dhawaan uu qabow daran ka dhici doono Britain, ayaa kooxda Crystal Palace waxa ay hadda bilowday in ilaa 10 qof oo darbi-jiif ah ay ku hoydaan garoonkeeda.

Dadkaasi ayaa sidoo kale heli doona cunno iyo meelo ay isku nadiifiyaan sida uu sheegay golaha deegaanka Croydon oo kooxda ka caawiyay arinkan.

Sideed qof oo darbi jiif ah ayaa habeenkii Khamiista lagu billaabay hoygaasi, waxaana ay ku seexdeen sariiraha safarrada loo qaato.

Madaxa fulinta ee Crystal Palace, Phil Alexander, ayaa sheegay inay doonayaan in kooxda ay wax u tarto bulshada deegaanka.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa naadigaasi waxaa loo ogolaaday inuu kordhiyo tirada kuraasta garoonka Selhurst Park oo hadda ah 25,456, taasoo laga dhigi doono in ka badan 34,000.

Kooxda Palace ayaa maanta kulan xiiso leh la ciyaaari doonta Liverpool oo hadda hogaanka u haysa horyaalka xilli ciyaareedkan.

Exit mobile version