Dalka Japan mowjadaha dambiyada ah ee ay gaystaan dadka ay da’doodu ka sareyso 65 sano ayaa sare u sii kacayay 20-kii sano ee ugu dambeeyay.
Kala badh dadka dambiilayaasha ee xabsiyada laga soo daayay magaalada Hiroshima ayaa waxa uu sheegay Toshio Takata oo 69 jir ah in ay sharciga jabiyeen sababoah la xidhiidha saboolnimo.
Waxa uu doonayay goob lacag la’aan ah oo uu ku noolaado xitaa xabsi ha ahaatee.
“Waxa aan gaadhay da’da howlgabnimada ka dib lacagtii ayaa iga dhamaatay, waxaa markaasi ka dib igu dhalatay fikirka ah in aan noolal lacag la;aan ah aan ku noolaan karo haddii aan galo xabsi,”ayuu yidhi.
“Waxaa aan soo qaatay Baaskiil waxa aana tagay saldhig booliiska waxa aana ku idhi eega baaskiil ayaan soo xaday.'” Ayuu intaa ku daray Takata.
Qorshahani wuu shaqeeyay tani waa dambigii ugu horeeyay ee Toshio uu galo,waxa ayna da’diisa ahayd 62 sano.
Maxkamadaha dalka Japan ayaa dambiyada xatooyada u arka kuwa halis ah waxaana Toshio lagu xukumay 1 sano oo xadhig ah.
Waxa uu ku fikaray in uu galo dambi kale,waxa ayna la noqotay in uu haweenay ugu hanjabo mindi taas ayuuna sameeyay si mar kale loo xidho.
“Waxa aan tagay meel gawaadhida la dhigto waxa aan u hanjabay dadkii halkaasi joogay,umana jeedin in dadkaas aan waxyeeleeyo,waxa aan tusay mindida aniga oo doonaya in mid ka mid ah uu booliiska Waco,sidaasi ayaana dhacday” ayuu yidhi.
Marka la isu geeyo,Toshio aya xabsiga ku jiray 8 sano ee ugu dambaysay.
Waxa aan waydiyay in uu xabsiga jecel yahay ,waxa uuna bixiyay jawaab dhaqaale taasi oo ah in xitaa lacagtiisa howlgabka ay u socoto isaga oo xabsiga ku jira.
“Ma aha in aan jecelahay, balse lacag la’aan ayaan halkan ku joogaa oo lacag la igama qaado,markii aan xabsiga ka baxo lacag ayaa ii keedsan oo aan meel dhigtay saas uma xanuun badna,”ayuu yidhi.
Dambiga oo lagu laabto waa qaab “xabsiga dib loogu laaban karo ” waxaana halkaasi laga helayaa cunnto saddexda wakhti ah maalinkii , ayuu yidhi.
Toshio kali kuma ah dadka waayeelada ah ee dambiyada gala ayaa guud ahaan sii kordhaya dalka Japan.
Waxaa tusaale kale ah Keiko (ma aha magaceeda saxda ah) waxa ay jirtaa 70 sano waxa ay sheegtay in arrimahan ay ku qasabtay saboolnimada.
“Lama aanan noolaan Karin seygeyda ,mana aanan haysan meel aan ku noolaado oo aan joogo marka waxaan doorbiday in aan wax xado,” ayay tidhi.
Waxa ay intaa ku dartay”xitaa haweenka ku jira da’da sideetameeyada ee aan xitaa si wanaagsan u socon Karin sababtoo ah ma haystaan lacag iyo wax ay cunaan.”
Lacagaha laga xado dukaamada ayaa ah dambiyada ugu badan ee ay galaan dadka waayeelada ah.
Intooda badan waxa ay xadaan cunnto ay xitaa qiimaheedu ka yartahay 20 gini.