|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Baar oo Soo Jeedisay in Golaha Wakiiladu Oddoroska Miisaaniyadda 2019-ka Dib Ugu Celiyo Xukuumadda
December 25, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa(WJN)- Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Soomaliland oo ka qayb-qaadatay doodda oddoroska Miisaaniyadda 2019-ka ee Xukuumaddu u gudbisay golahaas, ayaa soo jeedisay in Xukuumadda dib loogu celiyo, maaddaama oo sida ay ku doodday fashil badan iyo ceebo kala duwani ka muuqdaan Shaxda oddoroska Miisaaniyadda. Xildhibaan Baar Siciid, waxay sheegtay inay Miisaaniyadda 2019-ku ahayn mid Dalka iyo Dadka u dani ugu jirto haddii sidan lagu ansixiyo, isla markaana ay ka madhan yihiin in lacag loogu daro horumarinta, sidoo kalena lacagta loo qorsheeyey wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashadu liidato, meelo badan oo kalena qaawani miisaaniyadeed laga dareemayo.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:Daawo:Gudoomiye Ciro Oo Kormeer Ku Soo Maray Goobaha ay Ka Socoto Qaadashada Kaadhka Codbixiyuha Ee ... Faah Faahinta Kasoo Baxaysa Khasaaraha ka dhashay Dab Qabsaday Dhismaha Maxadka Daarul Dacwa Oo Sobo... Daawo:Abwaan Cabdi Cali oo U Caqli Celiyay Badhasaabka Gabiley Mustafe SHiine una Soo Jeediyay inuu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|