|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Shaqo-gelinta oo Laba Tabobbar oo Muhiim Ah Midna Furtay Midna Soo Xidhay
December 16, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi, ayaa furtay Tabobbar la xidhiidha ka hor-tagga iyo wax-ka-qabashada Tacaddiyadaka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta, halka ay Tobobbar kale oo laba cisho socday u soo xidhay Labaatan Suxufi iyo toban Garyaqaan, kaas oo ku saabsanaa hirgelinta Shuruucda Bulshada ee Wasaaraddaasi waddo iyo doorkii ay Warbaahintu ka qaadan lahayd in Bulshada la gaadhsiiyo. ![]() Ka hor Wasiirka Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska,ayaa kulammadaas ka hadlay, Maamo Luul oo Waaxda Qoyska ee Wasaaraddaas u qaabbilsan iyo xubno kale, waxaanay dhammaan ka warrameen Tobobbarradan iyo muhiimadda ay u leeyihiin cidda la siiyey iyo qaybaha Dadweynaha ee la doonayo in loogu adeego. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|