Warbixin Iftiimisay Galaangalka Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Dawladda UAE ku Sameysay Geeska Afrika iyo Kaalinta Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Iftiimisay Galaangalka Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Dawladda UAE ku Sameysay Geeska Afrika iyo Kaalinta Somaliland
December 28, 2018 - Written by Reporter:

Abu Dhabi (WJN)- Wargeyska The National ee ka soo baxa UAE ayaa falanqeeyey kaalinta  Imaaraadku ku leeyahay nabadeynta iyo maalgashiga  Geeska Afrika.

Warbixintaas oo uu qoray Suxufi la yidhaahdo Charlie Mitchel, waxaa  lagu sharraxay dedaaladii diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee sannadkan 2018-ka ay sameysay dawladda Imaaraadka carabta oo xoojisay doorkeeda ku wajahan mandaqada Geeska Afrika.

Waxa warbixintu xaqiijisay in dawladda Abu Dhabi ay ugu yaboohday 2.99 Bilyan oo doolar dawladda Ra’iisal wasaare Abiy Axmed. Waxa kaloo Xukuumadaha Imaaraadka iyo Sucuudigu ay ka shaqeeyeen heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Eriteriya oo lagu soo afjaray colaad 20 sannadood u dhexaysay labadaas dal.

Wargeyska The National wuxuu  intaas ku daray in Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadku ay ka hawlgasho dekedda halbowlaha ah ee Berbera oo Itoobiyana ay ku leedahay saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban (19%), isla markaana ay Somaliland naawilayso inay noqoto marinka ugu muhiimsan ee dalalka Bariga iyo badhtamaha Afrika.

Sidoo kale,  waxa warbixinta joornaalka The National lagu caddeeyey in Shirkadda DP World ay  100 Milyan oo doolar  ku maalgelinayso jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale oo soohdin u ah Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu ku dooday warsiduhu  in dhismaha jidkaasi uu caddeyn u yahay galaan-galka dawladda Imaaraadku ku leedahay ganacsiga gobolka Geeska Afrika.

Wargeyska The National wuxuu  xusay in Xukuumadda Imaaraadku ay si dhakhso ah u furi doonto saldhiga Millatari ee ay ku yeelaynso magaalo xeebeedda Berbera ee gobolka Saaxil.

COMMENTS
LINKS