|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Oo Fasaxii Shaqaalaha Ee Sanadka Cusub Dib Ugu Riixay Maalinta Khamiista Ah
December 31, 2013 - Written by Editor:Hargeysa(wajaalenews):-wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Bare Garaad ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay fasaxii shaqaalaha dawlada la siin lahaa munaasibada sanadka cusub awgeed. Hargeysa(wajaalenews):-wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Bare Garaad ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay fasaxii shaqaalaha dawlada la siin lahaa munaasibada sanadka cusub awgeed. Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland waxa uu sheegay inuu raacayo xeerka shaqaalaha qodobkii 31aad oo dhigayo in haddii ay isku beegmaan dhawr fasax qaran shaqaaluhu ay xaq u leeyihiin inay helaan fasax maalmeedkii ayu xaqa u lahaayeen, waxaana lagu war geliyey shaqaalaha weynaha Somaliland in maalinta beri ah dib looga dhigay fasaxii sanadka cusub, waxaana shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha lagu wargelinayaa inay fasax yihiin maalinta khamiista ah. Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland waxa uu hanbalyo u diray guud ahaanba shaqaale weynaha Somaliland isaga oo ku hanbalyeeyey munaasibada sanadka cusub ee 2014. Sidoo kale gudoomiyaha hay?adda shaqaalaha dawlada Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa dhinaciisa hanbalyo u diray guud ahaan shaqaale weynaha Somaliland munaasibada sanadka cusub awgeed WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:“Wuxuu Jamaal Yidhaa Lacag Baan Bixiyaye Ha Soo Caddeeyo, Anigu Ma Biidhi Qaate Ayaan Ahay… Isbahays... DAAWO: Sheeko Aad U Xiiso Badan Oo Dhex Martay Guddoomiye Cirro Iyo Hooyo 80 Jir Ah Oo Xaabo Sidatay... DAAWO;Xil Siciid Cilmi Roble Oo Si Adag Uga Hadlay Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya Wasirka Arim... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|