War Deg Deg ah; Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Kasoo Hor Jeestay Shirka Ay Wasaarada Warfaafintu Uqabanayso Warbaahinta!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah; Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Kasoo Hor Jeestay Shirka Ay Wasaarada Warfaafintu Uqabanayso Warbaahinta!.
December 27, 2018 - Written by Editor:

“Ururka SOLJA, Isagoo Metelaya Saxaafadda Somaliland Waxa Uu u Arkaa Shirkaasi Inaanu ka Turjumayn Ujeeddada Ay Wasaaraddu Ugu Magac Dartay”SOLJA,

Hargaysa(W,N) Ururka Saxaafada Somaliland ee Solja ayaa war saxafadeed Ay soo saareen  ku cadeeyay in  aanay ka qaybgalay shirka wasaarada warfaafintu sheegay in ay uqabanayso warbaahinta kala duwan ee somaliland .

Warka soo baxay ururka solja ayaa lagu soo bandhiga in aanay waxba kala socon shirkaa islamarkaana iyadoo ku hadlay Magaca warbaahin somaliland aanay ka qaybgalay shirka oo furmi Doona Maalinta Sabtida.

HALKAN KA AKHRI; WAR-SAXAFADEED KASOO  BAXAY URURKA SOLJA IYO NUXURKA UU XANBAARSAN YAHAY;

Sc dhamaantiin

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu Iftiiminayaa inaanu ka qayb galayn shirka Qaran ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqday inay u qabanayso Warbaahinta Somaliland 29-30-ka bishan December oo ku beegan Sabtida iyo Axada toddobaadkan soo socda.

Ururka SOLJA, isagoo metelaya Saxaafadda Somaliland waxa uu u arkaa shirkaasi inaanu ka turjumayn ujeeddada ay wasaaraddu ugu magac dartay maadaama sida ka muuqata Jadwalka shirkaasi uu yahay uun mid wasaaraddu ugu yeedhinayso ka soo qayb galayaasha wax ay soo qorshaysay

ee aan fursad loo siinaynin Daneeyayaasha Saxaafadda inay aragtidooda ka dhiibtaan shirka.

Ururka SOLJA, waxa uu arkaa inaanu shirkani xal keenayn inta Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ku dirqiyayo inay yeelaan saxaafadda Somaliland waxa uu doonayo ee aanu tixgalinayn xuquuqda Dastuuriga ah.

Ururka SOLJA waxa uu soo jeedinayaa shirkan inay ka horeeyaan Qorshayaal farabadan oo kaga maqan saxaafadda dhinaca Xukuumadda, kuwaas oo u baahan inay Xukuumaddu fuliso.

Sidaas daraadeed; Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu usoo jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu wax ka qabto Cabashada iyo duruufaha Saxaafadda Somaliland haysta ee aanay Wasaaradda Warfaafintu waxba ka qaban karayn.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)

SOLJA

Somaliland Journalists Association

Hargeisa Main Office

Address:

Sha’ab Area Behind Ex-UNICEF Office or Mount Kenya University

line +2522-572604

+252-63-4194200

E-mail: Soljajour@gmail.com

Website: soljaorg.com

facebook: https://facebook.com/somaliland.journalist

Twitter: https://twitter.com/solja_org

 

COMMENTS
LINKS