Haween ka mudaharaadayey dalka Shiinaha oo timaha iska wada xiiray si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qareennada ay dowladda shiinaha xabsiga ku hayso.
Afar haween oo ku nool dalka Shiinaha ayaa fagaare ku yaalla magaalada Beijing timaha oo dhan isaga xiiray.
Haweenkan timaha iska xiiray ayaa ficilkaasi ku muujinaya sida ay uga soo horjeedaan qareennada xuquuqda aadanaha u dooda ee dowladda Shiinaha u xidhan oo ay maxkamadeyn ku socoto.
Wang Quanzhang ayaa wuxuu xabsi uu ku jiraa tani iyo 2015-kii, xaaskiisa Li Wenzu waxay sheegtay iney maxkamadda sare ee dalka Shiinaha ay muddada uu ninkeeda xidhnaa 31 jeer ay tagtay ninkeeda intaa maxkamadda la keenayey.
Waxayna sheegtay muddadaasi faraha badan oo ninkeeda maxkamadda lagu soo celcelinayey in loo diiday hal marna iney la kulanto si ay ula socodsiiso dacwadda ku socota iyo arrimaha halka ay marayaan.
Mr Mang waxaa lagu soo eedeeyey inuu dowladda Shiinaha uu ixtiraami waayey isaga oo ay xabsiga ku wehliyaan afar qareen oo kale.
Cid masuul ah oo dowladda Shiinaha ka tirsan oo ilaa iyo hadda ka hadashay dacwadda qareennada ku socota iyo xadhiggoodaba ma jirto.