Dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Carbeed waxay yeesheen muhiimad iyo strategy-yad aan hore loo dhaadi jirin, xattaa wakhtigii dagaalkii qabooba ee u dhexeeyay labada quwadood ee Bariga iyo reer Galbeedka.
Maxaa hadda keenay in ay dawlado badani u soo hanqal taaggan in ay meel ka fadhiistaan xeebaha Badda Cas?
1. Dawladaha khaliijka oo isbiday cudud militari oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Badda Cas iyo gacanka Cadmeed iyo in ay ka hor tagaan damaca iyo is-balaadhinta jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo meelo Bariga Dhexe ah kaga adkaatay is-bahaysiga dawladaha Carabta.
2. Iiraan maanta waxay si dadban uga talisa caasimadaha afar dal oo Carab ah (Baqdaad, Dimishiq, Bayruud iyo Sanca). Waddamada reer Galbeedku muhiimadda marin biyoodkan waxay ku baraarugeen budhcad badeeddii ka dillaacday xeebaha Soomaaliya oo khalkhaliyay isu socodkii ganacsiga iyo saldhigga Militari ee Shiinuhu ka dhistay Jamhuuriyadda Jabuuti.
3. Ruushku qudhiisu kama maqna tartanka in uu saldhig militari ka helo aagga Badda Cas, waxa jira kuwo kale oo qorshaynaya in ay galaan gal ku yeeshaan qaar ka mid ah waddamada kulaalaya Badda Cas.
Haddaba waxa isha lagu haya xeebaha dhereran ee Somaliland hase ahaatee siyaasiyiinta Somaliland Dunida waxay ka yaqaanan oo ay u xidhan yihiin shan waddan oo kala ah: Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya iyo labada dal oo Carab ah (Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka), waxay u haystaan in Somaliland aanay noolaan karin ama aanay jiri Karin la’aantood.
Dalalkaasi wax kasta oo ay rabaan waa loo fududeeya iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin ama aan waxba lagaga bedelan. Hal tusaale, Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera qiimihiisu uma qalmo wax ka hooseeya aqoonsiga Somaliland iyaguna xattaa qunsuliyad kuma laha Hargeysa.
Somaliland mar kasta waxay la safataa Boqortooyada Sucuudiga waxba se kama faa’iido taageeradooda.
Somaliland dhinaceeda inkasta oo ay u hagar baxday wanaajinta xidhiidhka labada dal (Itoobiya iyo Somaliland), Itoobiya dhankeeda wax gacan ah kamay gaysan aqoonsiga JSL haba yaraatee. U habrashada iyo raalli gelinta dalalkaa shanta ah ee kor ku xusan waxa kaga habboon waddanka yar ee Denmark, Sweden iyo xubnaha EU-da oo 75% bixiya deeqaha Somaliland ka hesho Beesha Caalamka. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda waxaan ku dhiirri gelinaya in ay dejiso siyaasad dibadeed oo furfuran oo ka turjumaysa danaha dalka.
Somaliland waxay leedahay Bad dihin, Barri, Xoolo iyo Dhul beeraha ku wanaagsan, waxay leedahay shidaal & gaas iyo macdano kale sida lagu ogaaday sahamin laga sameeyay dalka oo dhan, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in aynu khayraadka ka wada faa’iidaysano iyo waliba in ay taageeri doonan qaddiyadda madax bannaanida Somaliland.
Dalalka muujiyay xiisaha ay u hayaan xidhiidhka Somaliland waxa ka mid ah Ruushka, Shiinaha, Israa’iil, Iiraan iyo qaar kale oo badan.
Madaxda Qarankeenu ha ogaadan in aan dalna danihiisa ku ixtiraamin amma u daba fadhiisan dalal kale oo haddana waliba aan kuu hayn wax qadarin ah.
Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com